Advertisements

Kulanka Culimada Soomaaliyeed oo Madaxda Dowladda KMG ugu baaqay in ay dalka ka qabtaan Mahiga.

mahiga

Halkaan ka akhri

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow ayaa ka hadlay dadaalada lagu doonayo in dalka loo sameeyo dastuur, wuxuuna sheegay in arrintaasi aanu dooneynin ergeyga QM ee Soomaaliya Agostin Mahiga.

Sidoo kale Sheekh Dhicisow wuxuu sheegay inuu arrintaasi kulan kala yeeshay ergeyga QM Soomaaliya u qaabilsan Agostin Mahiga kana dalbaday inuu dastuurka soo dhex dhigo shacabka Soomaaliyeed oo uu sheegay inay xaq ugu leeyihiin inay aayahooda ka tashadaan.

Guddoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed  oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:”Banki Moon Xoghayaha guud ee QM waxaan ka codsaneynaa inuu naga bedelo Agostin Mahiga” wuxuuna sheegay in Soomaalida laga hortaagan dastuurka dalkooda inay talo ku yeeshaan, taasi bedelkeeda ayuu sheegay inay faraha kula jiraan xubno ajaanib ah oo uu hoggaaminayo Mahiga.

Dhanka kale Guddoomiyaha wuxuu sheegay Guddoomiyaha Majamaca Culimada Soomaaliyeed in qaabka lagu wado sameynta dastuurka wadanka aanu xilligaan ku habooneyn, bacdamaa dowladda KMG ah ay wadanka wada maamulin.

Si kasta ha ahaatee Sheekh Axmed Dhicisow wuxuu caddeeyey in madaxda sare ee Dowladda KMG ah looga baahan yahay inay dalka ka qabtaan ninkaan madaxii majo u rogay, ee aan kala garaneynin halka uu wax ku wado aqoona aan u lahayn xaaladda siyaasadda wadanka Soomaaliya.

SomaliSwiss    Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: