Ugaaska Beesha SADE oo Xaflad dabaal deg iyo taagero ah loogu sameeyay Magaalada London.

HOOS KA DAAWO XAFLADDAAS

Halkaan ka akhri

Waxaa xalay magaalada London ee cariga Ingiriiska ka dhacay xaflad si habsami leh loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayey caleemo saarkii Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo 22 Febraayo ka dhacay gobolka Gedo ee magaalada Beled-xaawo.

Xafladaas ayaa lagu qabtay Jaamacad ku taala bartamaha London oo lagu magaacabo School of Oriental & African Studies (SOAS). Xafladaas soo dhawaynta ah waxaa ka soo qayb galay ugaasyo, malaaqyo, wabaro, garaadyo, imaamyo iyo dhamaan duubabka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo marta sharaftii ka soo qaybgashay ka mid ahaa siyaasiyiin caan ah oo sumcad wayn ku leh ummadda Soomaaliyeed iyo dadwayne aad u farabadan.Waxaa kaloo dadkii ka soo qaybgalay ka mid ahaa madax ka tirsan baarlamanka Ingiriiska iyo wasaarada arimaha dibada ee ingiriiska.

Xafladaas ayaa la isaga yimid magaalooyinka Birmingham, leicester, Northampton iyo nawaaxiga London.

Madaxwaynaha Maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya mudane Maxamed Xaashi(carabey) oo furay xafladaas ayaa wuxuu yiri “Ugaasyada iyo duubabka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa xal u helida arimaha muragsan ee Soomaaliya, maadaama ay dhaqanka Soomaalida saldhig u yihiin”

Dadkii goobtaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa C/qaadir Xaaji Massale wuxuuna yiri “Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi waa nin arimaha iyo dhaqanka Soomaalida si fiican u garanayo, kana mid ahaa ragii loo diri jiray xalinta qilaafaadka beelaha”. Asagoo hadalkiisii sii watana wuxuu yiri “aqoonta aan u leeyahay Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi waa nin u qalma xilkaan, waana u hambalyaynayaa Ugaaska.”

Waxaa kaloo halkaas hadal ka jeediyey C/llaahi Xalane wuxuuna yiri “Ugaasku ilaa labaatan fac ayaa Ugaasnimada tirsadaa, wuxuuna Ugaas u yahay dhamaan beesha Sade meel kasta oo ay joogto, ha ahaato gobollada dhexe, jubbaland iyo Gedo intaba”.

Dr. Sakariye Cabdi Xaaji oo asna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay ilaalinta dhaqanka Soomaalida(ugaasyada, malaaqyada iwm), sababtoo ah waa shayga kaliya ee noo haray hadaan Soomaali nahay. Wuxuuna dadkii ka soo qaybgalay ka codsaday in la adeeco duubabka Soomaaliyeed. Waxaa asna goobtaas ka hadlay gudoomiyaha jaaliyada UK, wuxuuna yiri Ugaasku waa Ugaas Soomaaliyeed waxaana Alla uga baryaynaa in xilkaas Alle la garabgalo.

Waxaa asna halkaas ka hadlay Burhaan Iman oo ka mid ahaa qabanqaabiyaashii xafladaas asagoo u mahad celiyay dhamaan dadwaynihii ka soo qaybgalay munaasabadaas lagu soo dhawaynayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi.

HALKAAN KA DAAWO XAFLADDA UGAASKA

OtherRecent  Releted Videos

HALKAAN KA DAAWO HADALKA CULIMADA

HALKAAN KA DAAWO SHEEKO QOSOL BADAN

SomaliSwiss@hotmail.com

HALKAAN KA DAAWO SHEEKO QOSOL BADAN

SomaliSwiss@hotmail.com

Other Related Videos

Marshaale & Ajakis Sheeko gaaban – Somalida UK

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: