Magaalada Wabxo oo goor dhow ka baxay gacanta Al-Shabaab iyo Ceelbuur oo ay hadda xabaddu ka socoto..

Halkaan ka akhri

Xarakada Al-Shabaab ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay laga qabsaday magaalada Wabxo oo 50km dhanka koofureed kaga beegan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka oo SomaliSwiss daqiiqado ka hor qadka Telefoonka kula xariirtey  iyagoo ku sugan Wabxo iyo Ceelbuur ayaa xaqiijiyey in Wabxo ay ka baxday gacanta Al-shabaab, halka magaalada Ceelbuur ay dadkii ka wada baxeen, iyadoo daryenka xabadda labada dhinac isku ridayaan si weyn looga maqlayo Ceelbuur.

Wararka Ceelbuur ayaa sheegaya in dagaalku hadda ka socda dhinaca Qorrax dhac ee degmadaas, gaar ahaan dhanka xiga Ceel Qooxle, waxayna wararku sheegayaan in madaafiicda laysku ridayo ay ku soo dhaceyso magaalada Ceelbuur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in  Al-Shabaab ay shalay ilaa xalay faaruqinayeen magaalada, isla markaana waxay arrintaas ku macneeyeen inaysan jirin dagaal weyn oo magaalada ka dhici doona.

Dhinaca Wabxo ayaa haatan xaaladdu cakirantahay, iyadoo ay hadda galeen Ciidamada Ahlusunna Waljameeca iyo ciidamo Itoobiyaan ah, waxayna wararku sheegayaan, in Al-Shabaab ay goor sii horeysay isaga baxeen magaaladaas.

Ciidamada Ahlusunna ee hadda Soo galay deegaankaas weli lama hadlin dadka magaalada, waxayna weli ku guda jiraan sidii ay guud ahaan magaalada amaankeeda u hubi lahaayeen.

Wixii warar ah ee ka soo kordha deegannadaas,kala soco SomaliSwiss oo isha ku haysa, isla markaana idiin soo gudbi doonta, isla markii wax cusub ka soo kordhaan.

SomaliSwiss Wabxo, Ceelbuur

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: