Dowladda KMG ah oo war ka soo saartay Ciidamada Ahlusunna ee xoreeyay G/Galgaduud iyo Hiiraan.

AKHRI WARSAXAAFADEEDKA

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ah ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay, qabsashada ciidamada Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya ee Magaalooyinka Ceelbuur, Dac, Wabxo iyo Maxaas. WARSAXAAFADEEDKU WUXUU U QORNAA

WARSAXAAFADEED

(Muqdisho, Marso 26, 2012) Ciidamada Soomaaliya oo garab ka helaya Ciidamada Itoobiya waxay ka xureeyeen Magaalada Ceel Buur(Gobolka Galgaduud) iyo Magaalada Maxaas(Gobolka Hiiraan) iyo deegaano hoos  yimaad, maanta Maleeshiyaadka Al-shabab (Al-qaacida Soomaaliya) ee argagixisada ah iyadoon wax iska caabina aysan jirin.

Waxaa farxad leh in Shacabka degan labada magaalo ay ku soo dhaweeyeen ciidamada xureynayay Alalaas, caleemo qoyan, iyo ubax , iyagoo muujinayay farxada ay u qabaan in sadax saneo ka dib ay ka xuroobeen, duleysigii, dhibaatadii iyo rafaadkii ay ku hayeen maleeshiyaadka Al-shabab.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) oo wareysi uu siiyay Warbaahinta Qaranka- ayaa yiri “waxay u tahay farxad weyn dhamaan shacabka Soomaaliyeed, xukuumadda iyo gaar ahaan shacabka labada magaalo iyo degaanada kale ee ugu danbeyn laga xureeyay duleysigii iyo tacadigii ay ku hayeen argagixisadu, waxaa farxad ah in gacanta dowladda ay ku soo noqdeen”

Wasiirka ayaa intaa ku daray “ Hore ayaa xukuumada Soomaaliya wacad ugu martay xureynta dhulka cadawgu haysto iyo in ay waajib ah a soo celinta nidaamka sharcigga goobaha xorooba, mana la ogola xad-gudub iyo aargoosi shaqsiyaadeed oo ku salaysan tuhun. Cidii danbe gashayna waa in sharciga la horkeeno si loogu cadeeyo sharciguna isagaa sarreeya, lana dhowro  Cadaaladda, taasoo ah tilmaamnta ay Xukuumadda Soomaaliya uga duwan tahay Maleeshiyaadka Al-shabab ee Argagixisada ah”

Wasiirka ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “waxaan ugu baaqaayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee da’ada yar ee weli ku harsan Al-shabab ee ku howlan waxan Diinta iyo caqliguba ogoleyn iney ka haraan danbiilayaasha baxsadka ah iyo Ajaanibta aan arxanka u hayn dadkeena iyo dalkeena, kana faaideystaan dhalinyaradu cafiska Xukuumadda Soomaaliya si ay uga baxaan dhibaatada ay ku dhex jiraan, tiiyoo waqtigu gabaabsi yahay”.

Dhamaad

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: