HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Halkaan ka akhri
Meydadka 82 ka mida dagaalyahanada Al-qaeda ayaa laga helay agagaaraha meelihii lagu dagaallamay ee Dhuusamreeb, gaar ahaan inta u dhaxeysa Garoonka Kaxanabareey iyo Miirdugul ee duleedka Magaaladaasi.
Meydadka la helay oo ay ka mid yihiin 9 Sarkaal oo Ajnabiya waxaa ku jira Taliyahii Al-Shabaab ee Gobolka Galgaduud Ibrahim Salax (Abu Khadiijah) Taliyihii watay Ciidamada Al-Shabaab ee halkaas weeraray Asad Cabdi Tafeey iyo Taliyahii goboladda dhexe ee Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabaas Cabdi.
Dhulka Meydadka laga helay oo ah 13Km oo isku weer ah ayaa la rumeysan yahay inay weli ku jiraan Meydad kale, iyadoo ay adag tahay inay meelahaas gaaraan gaadiidka Baabuurtu.
Madaxda Ciidamada Ahlusunna ee Gobollada dhexe ayaa saxaafadda iyo dadweynaha tusiyey meydadka, iyadoo ay ku jiraan 9 Sarkaal oo Al-qaacida ah kuwaas oo 6 ka mida yihiin Afrikaan, halka 3-da kalena ay yihiin reer Galbeed.
Sida ku cad Dukumintiya laga helay jeebabkooda iyo xog kale oo la uruuriyey, Saraakiisha Alqaacidda ee ka soo jeeda wadamada Afrika ayey 3 ka mid ah u dhasheen dalka Kenya, 2 waa dalka Nigeriya, halka mid kale ka soo jeedo dalka Tanzaniya.
Saraakiisha Alqaacida looga dilay dagaalkaas ee ka soo jeeda wadamada reer galbeedka ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyey 3 nin oo ka soo kala jeeda wadamada UK, Sweden iyo Germany.
SomaliSwiss Dhuusamareeb
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Galgaduud |
You must be logged in to post a comment.