Yuweri Musaveni oo taliye cusub u soo magacaabay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha wadanka Uganda Yuweri Musaveni ayaa soo magacaabay taliye cusub oo hogaamin doona ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala.

Qaar ka mid ah Warbaahinta wadanka Uganda ayaa waxay maanta baahiyeen in Madaxweyne Yuweri Musaveni a uu magacaabay taliyaha ciidamada AMISOM General Andrew Gutti. Kaasi oo badali doono Taliyaha haatan madaxa ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta ee jooga Soomaaliya.

Sida la sheegay taliyaha uu si rasmi ah u hogaamin doono howlgalka ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya sida: ciidamada wadamada Uganda, Burundi,, Jibuuti. Kenya, iyo Sierra Leone oo dhawaan lagu wado inay ku soo biiraan ciidamada AMISOM

General Andrew Gutti.oo ah Taliyaha cusub ayaa la sheegay inuu ka tirsan yahay saraakiisha sar sare ee ciidamada Uganda, waxaana la sheegay in sii wadi doono dagaalada ay ciidamada Midawga Africa kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabab iyo Al-Qacida.

Xafiiska M/weynaha Uganda ayaa ka soo baxday Wareegtada la magacaabay General Andrew Gutti oo noqon doonan taliyaha ciidamada AMISOM, waxaana taliyahaan uu badalayaa taliyaha hadda haya hogaanka ciidamada AMISOM Fred Mungisha oo xafiiska hayay muddo sanad ah

Si kasta ha ahaatee Ciidamada AMISOM oo dagaal kula jira Xarakadda Al-Shabab ayaa waxaa socda qorshe lagu doonayo in howlgalkooda lagu gaarsiiyo gobolada dalka qaarkood oo laga xorreeyey Al-Shabaab.

SomaliSwiss        kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: