Advertisements

Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay sharci cusub oo nidaaminaya shirkadaha Isgaarsiinta Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wasiirka Warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta u faafaahiyey Warbaanta dalka sharcigii Isgaarsiinta dalka oo ay shalay  ansixiyeenGolaha Wasiirada Qaranka wuxuuna sheegay in sharcigaasi uu nidaaminayo Isgaarsiinta dalka Soomaaliya..

Wasiirka warfaafinta oo wax laga weydiiyey qaabka uu noqonayo xeerakani ayaa faah faahin ka bixiyey wuxuuna sheegay inuu xeerku oggolaanayo in la sameeyo hay’ad madax-bannaan oo ka shaqeysa howlaha isgaarsiinta, isla markaana uu nidaaminayo shirkaddaha Isgaarsiinta ee ka jira dalka Soomaaliya iyo xiriirka caalamiga.

Sidoo kale Wasiirka wuxuu uga mahadceliyey dadkii gacan siiyay diyaarinta Sharciga lagu hagaya Isgaarsiinta dalka, isagoo sheegay in wax badan ay ka baddeli doonto Isgaariinta dalka islamarkaasna ay la jaan qaadi doonaan dalalka horumaray.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay bishii Febraayo 16-dii 2012ka nuqullada sharciga isgaarsiinta si ay u soo akhriyaan, hase ahaatee  kulankoodii shalay ayaa lagu  ansixiyey

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: