DAAWO WAREYSIGIISII U DAMBEEYAY
Halkaan ka akhri
Madaxweynihii Hore ee dalka Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed oo todobaadyadaan xanuunsanaa laguna daaweynayay Cisbitaal ku yaal dalka Emaaraadka Carabta ayaa xalay ku geeriyooday halkaasi.
Saacada Abu Dhabai markii ay ahayd qiyaastii 4:30 subaxnimo, 23-ka Maarso 2012 ayaa waxaa ku geeriyooday Cisbitaalka Sheikh Zayid ee caasimadda dalkaas ILLAAH ha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf Axmed, Madaxweynihii hore ee dawlada federaalka ee Somaliya, sida ay sheegayaan warar laga helay xubo ka tirsan qoyskiisa oo goobta kula sugnaa.
ILLAAH ha u naxariistee marxuumka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku xanuunsanaa, laguna dawaynayey cisbitaal ku yaal imaadarada Abu Dhabai.
RABBI ha u naxariistee marxuumku waxaa uu ifka kaga tagay xaas, 4 caruur ah (2 wiil iyo 2 gabdhood) iyo tiro carruur ah oo uu awoowe uu ahaa.
SomaliSwiss Monitoring Desk
SomaliSwiss@hotmail.com
HALKAAN KA DAAWO WAREYSIGII UGU DAMBEEYAY EE MUUQAAL LOOGA QAADAY.
DAAWO WAREYSIGII UGU DAMBEEYEY EE MARXUUMKA
[blip.tv http://blip.tv/play/h5NogvDlCAA width=”540″ height=”400″]SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Monitoring Desk |
You must be logged in to post a comment.