Advertisements

Gacan ku haynta Degmada Xudur‏ oo ay maanta la wareegeen Ciidamo Dowlada KMG ah iyo Itoobiyaan.

Halkaan ka akhri

Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobyaan ah oo wata gaadiid badan oo kuwa dagaalka ah ay la wareegeen Magaaladaasi Xudur.

Wararka durba laga helayo saraakiisha Dowlada KMG ah ayaa sheegaya in ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya inay isku fidiyeen xarumihii Dowlada ee degmada xudur halkaasoo ay qaarkood difaacyo ka sameysteen.

Ciidamada Dowada KMG ah oo garab ka helaya kuwa Itoobiya ayaa la soo sheegayaa inaaney wax dagaal kala kulmin Xudur kadib markii ciidamada xarakada Alshabaab ay si iskood ah uga baxeen degmada Xudur iyadoo aan la ogeyn halka ay u ruqaansadeen.

Ciidamada Alshabaab ayaa saacado badan ka hor faarujiyay magaalada Xudur iyadoo kuwa Itoobiyana ay shalay iyo ilaa saaka ku sii dhawaanayeen Xarunta Gobolka Bakool ka hor intii aysan goor dhaweyd si rasmi ah ula wareegin magaalada.

Sida la wada ogsoon yahay Itoobiya ayaa 2009-kii bilowgiisa go’aansatay inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya kadib 2 sano oo ay dalka intiisa badan gaanta ku hayeen.

SomaliSwiss      Xuddur

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: