Advertisements

Madaxweyne Sheikh Shariif oo xalay si kedis ah u kormeeray fariisimada Ciidamada Dowladda KMG ah ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay saqdii dhexe kormeer kedis ah ku soo maray fariisimo badan oo ay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay ku leeyihiin gudaha Magaaladda Muqdisho.

Sheikh Shariif waxaa kormeerkiisa kuwehliyey Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud , taliyaal ciidan wuxuuna Madaxwynaha u kur-galaayay qaababka ay ciidamada ay howshooda u gudanayeen, iyadoo farisiimada ciidamada uu kormeerka ku tagay ay ka mid ahaayeen isgoysyada Howlwadaag,Cali Kamiin,Fagax,Sanca,Afarta Jardiino,Siinaay, isgoyska Tarebuunka iyo Warshadii Baastada.

Madaxweyne Sheikh Shariif ayaa Kormeerkii uu xalay ku tagay Saldhigyo badan ku soo arkay askar iska huruda iyo kuwa qaar oo soo jeeda oo waxyaabo kale ku Mashquulsan, waxayna taasi keentay in madaxweynhaa ay arrintaasi ka caroodo.

Sida la leeyahay kormeerka Madaxweynaha ayaa la xiriirita maadaama habeenadii la soo dhaafay Duqeymo loo geysanayay xarunta Madaxtooyada iyo xaafadaha ku dhow.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: