Advertisements

Guddoomiyaha fulinta Ahlusunna oo faafaahin ka bixiyay natiijada dagaalkii Dhuusamareeb

Halkaan ka akhri

Xaaladda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Gadgaduud ayaa saakay deggan, iyadoo shalay galinkii dambe halkaasi ay Ahlusunna ku soo bnadhiggeen in ka badan Todobaatan meydadka Al-Qaacidda oo dagaalkii shalay lagu dilay.

Dagaalladii shalay ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayaa la sheegayaa in maanta  deggan kadib markii laga saaray malleeshiyaadka Al-Qaacidda ee halkaasi weerarka ku soo qaaday, iyadoo dagaalkii shalayna uu sameyn xoog leh ku yeeshay shacabka magaaladaasi oo ah kuwa ka caaggan Shabaabka Al-Qaacidda.

Guddoomiyaha fulinta Ahlusunna Sheikh Maxamed Xeefoow oo warbaahinta kula hadlay goob ay is dul saarnaayeen meydadka malleeshiyaadka Al-Qaacidda isla markaana lagu bandhiggayay ayaa faafaahin ka bixiyay wixii ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxa uu na tilmaamay in dagaalkii shalay uu ka dhashay khasaaro xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, isla markaana ay u geysteen Al-Shabaab jab weyn oo ay ka soo kabsan karin..

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa tilmaamay in khasaaraha uu yahay mid kala fog, maadaama dhankooda ay ka geeriyoodeen shan ruux iyo Laba iyo Tobadan dhaawac ah, laakin Al-Qaacidda Dhuusamareeb ay uga dileen 73 malleeshiyo, isla markaana dhaawacoodu uu gaarayo 63 malleeshiyo.

Sheekh Maxamed Xeefoow oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Khawaarijta markii ay soo galeen magaalada waxa ay bililiqeysteen Gadiid ay lahaayeen dad rayid, sidoo kale ay waxa ay dil fool xun u geysteen mid ka mid ah odayaasha deegaanka oo magaalada Dhuusamareeb caan ka ah, wax ay si naxariis darro ah u dileen Haweenka magalaada mid ka mid ah”.

Dhanka kale guddoomiyaha fulin Ahlusunna Waljamaaca ayaa farta ku fiiqay in dagaalkii shalay ay ku dileen Saddex ka mid ah Ajaanibta dalkeenna ku soo duushay, taasina ay u soo bandhiggeen Saxaafadda iyo shacabka magalada ku nool.

SomaliSwiss      Dhuusamareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: