Wasaaradda difaaca Maraykanka oo sheegtay in ay tababar dheeraad ah siineyso Ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

War ka soo baxay Wasaaradda difaaca wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawlada Maraykanka ay tababar dheeraad ah siinayso ciidamada Uganda ee ka howlgelaya Soomaaliya ee qeyb ka ah ciidamada Midawga Africa ee AMISOM.

Colonel David L. Morgan oo ka tirsan Sarkiisha wasaaradda difaaca wadanka Maraykanka, qeybna ka ah taliska ciidamada Maraykanka Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in dawladu Maraykanka ay saraakiil tababarayaal u soo dirayso Soomaaliya si ay tababaro dheeraad ah usiiyaan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada AMISOM.

Sidoo kale Colonel David L. Morgan ayaa sheegay in ciidamada Uganda ay siinayaan tababaro laxariira sida loola dagaalamo waxa loogu yeero argagixisada oo uu sheegay inay Soomaaliya ka dagaalamaan.

Colonel David L. Morgan oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “Howlgalkeenu waa inaan tababaro dheeraad ah siinaa ciidamada Uganda ee hawlgalka ka wada Soomaaliya kaasi oo ku saabsan sida loola dagaalamo dagaalyahanada Al-Qacida ee ay dagaalka kula jiraan waanamid xoojin ah”.

Dkanka kal sarkaal ka tirsan ciidamada dawladda Uganda oo la yiraahdo Colonel Richard C. Wakayinja ayaa asna sheegay inay soo dhaweynayaan tababarada ay ka helayaan dawladaha ku taageera howlgalka ay Soomaaliya ka wadaan, balse Maraykanka ayaa ka mid ah wadamada sida weyn u taageera howlgalka midawga Africa ee AMISOM.

SomaliSwiss      Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: