Sudan oo shaaca ka qaaday in ay Soomaaliya ka caawinayaan diyaarinta dastuurka iyo doorashada dhici doonta.

 

Halkaan ka akhri

 Dowladda dalka suudaan ayaa waxa ay daaha ka rogtay in gacan wayn ay siinayso dowladda KMG ah ee xilligan ka jirta dalka Somalia, taas oo waqtigeedu uu gaba gabo ku sii siqayo.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxwaynaha dalka suudaan cumar xasan Al bashiir ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda suudaan ay diyaar u tahay in somalida ay ka garabsiiso xalinta dhibaatada ka jirta dalka Somalia gaar ahaan dastuur u samaynta dalka Somalia iyo doorashada dhacaysa markii uu gabagaboobo xilliga dowladda KMG oo ah bisha August ee sanadkan .

Warsaxaafadeedkan ayaa madaxwaynaha dalka Suudaan cumar xasan Al bashiir waxa uu ku sheegay in kulankii Qartuum todobaadkan ka dhacay ee uu la qaatay shariif sh axmed madaxwaynaha dowladda KMG Somalia ay ka wada hadleen hanaanka ugu haboon oo suurto gal ka dhigaysa in Somalia ay dib uga soo gabato dhibaatadii ku habsatay wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee uu madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee maxamed siyaad barre sanaddii 1991kii.

Mr cumar xasan al bashiir madaxwaynaha dalka suudaan ayaa tilmaamay in dalkiisu uu diyaar u yahay in Somalida uu ka caawiyo arinta dastuur u samaynta dalka , ka gudbista waqtiga KMG iyo hanaanka doorashada la filayo inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Todobaadkan ayaa dalkaasi suudaan waxaa socdaal ku gaaray madaxwayne shariif sh axmed oo halkaasi kulamo kula soo qaatay madaxwayanaha dalkaasi cumar xasan al bashiir , qaar ka tirsan golaha wasiirada iyo jaaliyadda soomaaliyeed oo halkaasi ku dhaqan oo u badan arday soomaaliyeed oo si lacag la’aan ah ku dhigta goobaha kala duwan ee hoostagta wasaaradda waxbarashada dalka Suudaan.

Dalka suudaan ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa dalalka sida aadka ah u daneeya arimaha Somalia , waxana hadalkan ka soo yeeray madaxwayne cumar xasan al bashiir uu yahay mid imaanaya xilli la filayo in bisha August ay dhacaan doorashooyin islamarkaana haatan lagu guda jiro samaynta dastuur uu dalkan yeesho.

SomaliSwiss      Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: