Dagaalo maanta ka dhacay deegaanada Dhuusamareeb iyo Ceel dheere ee G/Galgaduud.

Halkaan ka akhri

Ciidammada Ahlusunna wal-jamaaca ayaa dib u xaqiijiyay gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, kadib markii dagaal socanayey muddo Lix Saacaddood ah ayeey u suura gashay ciidammada ASWJ in ay dib u ula wareegaan gacan ku heynta magaalada Dhuusamareeb, iyadoo malleeshiyaadkii Al-Qaaciddana haatan lagu sii baacsanayo dulledka hoodka ee magaaladaas hoos taga.

Saraakiisha Ahlusunna ayaa sheegay in gurmad dhinacyo badan uga yimid kadib ay ku guulleysteen in Al-Qaacidda ay ka saaraan Dhuusamareeb, hase yeeshee waxaa illaa hadda si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Malleeshiyaadka Al-Qaacidda ay bur burriyeen xarumo Ganacsi, sidoo kale waxa ay nolosha ku qabteen mid ka mid ah Nabaddoonnada ugu caansan Galgaduud, ciidammada Ahlusunna ayaa hadda ku sugan meel dulleedka ka ah magaalada halkaasi oo ay Difaacyo xooggan ka sameysteen.

Dhanka kalr Dagaal kale ayaa wuxuu ka dhacay maanta deegaanka Ceel dheere oo magaalada Dhuusamareeb dhinaca Bariga ka xiga, iyadoo dhan kale dagaalkaasi Al-Qaacidda khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo qabsashada Saanad Military loogu geystay.

Wararka laga helaayo deegaanka Ceel dheere ee gobolka Galgaduud in uu dagaal xooggan ku dhexmarayo ciidammada Culama’udiinka Ahlusunna iyo malleeshiyaadka Al-Qaacidda, kadib markii ay Al-Qaacidda isku dayeen in ay hor istaagaan ciidamamda ASWJ ka tirsan oo Dhuusamareeb ku sii jeedday.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al-Qaacidda Soomaaliya dagaalka looga qabsaday Gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen sida la xaqiijiyay Hub uu ka mid yahay Hoobiyaal, waxaana wararku ay intaa ku darayaan in ciidammada Ahlusunna ay ku sii jeeddaan deegaanno ka baxsan Ceel dheere oo haatan Shabaab lagu baacsanayo.

SomaliSwiss       Dhuusamareeb

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: