Taliyaha Ciidamada Xoogga dalaka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in laga war-hayo qorshooyinka iyo dhagarta ay maleegayso Xaraka Al- Shabaab.

Halkaan ka akhri

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalaka  Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in laga war-hayo qorshooyinka iyo dhagarta ay maleegayso Xaraka Al- Shabaab, wuxuu sheegay inay ka war heleen qorsho cusub oo weeraro ah oo ay Shabaabku doonayaan inay ka fuliyaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo waraysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa xusay inay ka warhayaan guryo ay Magaalada Muqdisho ka degan yihiin Al Shabaab.

Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “waxay isu qeybiyeen Magaalada inay bastoolado lasoo galaan, kuwa inay qaraxyo lasoo galaan, kuwa inay bambooyin lasoo galaan, intaba waan ognahay, goobaha iyo guryaha ay ku sugan yihiin, waa tilmaameedsanyihiin, waana noo calaameysan yihiin, waana aragnaa in laamiyada ay joogaan”.

Dhanka kale Taliyuhu wuxuu sheegay in Ciidamada xoogga dalka ay banaanka ka difaacayaan Muqdisho, islamarkaana ay u soo jeesanayaan xaqiijinta ammaanka gudaha magaalada Muqdisho, iyo ka hortagga dadka ammaan darida wada oo uu sheegay inay ku filan yihiin Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed.

Warkan ka soo yeeray Jeneral C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan) ayaa ku soo beegmaya iyadoo Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab ay sheegeen in 16-ka degmo ee Muqdisho ay ku sugan yihiin dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab kuwaasi oo weeraraya Xarumaha dowladda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: