Madaxweyne Shariif oo gaaray Dalka Suudaan, isla-markaasna la kulmay dhiggiisa Dalka Sudan.

Halkaan ka akhri

 

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Mudane Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa gaaray dalka Sudan wuxuuna magaalada Khartoum kulan kula qaatay dhigiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana Kulankaas uu ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Khartoum.

Labada Madaxweyne waxay wada hadalkooda diirada ku saareen xiriirka qotada dheer ee dalalka Soomaaliya iyo Sudan, gaar ahaan waxaa laga wadahadlay kaalintii ay dalka Sudan ka qaadatay gurmadkii abaaraha iyo doorka ay Sudan ku yeelan karto waqtigan dib u dhiska iyo horumarka dalka Soomaaliya.

Madaxweye Shariif ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Dowladda iyo shacabka Sudan kaalintii muuqatay ee ay kaga jireen gurmadkii caalamku u fidinayey shacbiga Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameynta ku yeesheen iyo sida had iyo jeer u garab taagan yihiin Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa isaguna uga mahad celiye Madaxweyne Sheikh Shariif sida uu casuumaadiisa u aqbalay waxaana uu xusay in Dowladda Sudan ay ka qeyb qaadan doonto dib u dhiska iyo horumarka ay Shacbiga Soomaaliyeed higsanayaan.

Dhanka kale Madaxweyne Shariif loo maleeyaa inuu in madaxweynaha dalka Sudan kala hadli doono xaaladda Siyaasadeed iyo khilaaf ka dhaxeeya dalka dhawaantan ka go`ay Suudaan ee Koonfurta Suudan iyo sidii xal loogu heli lahaa is afgarawaagaas ka dhexeeya labada dale e deriska ah.

Si kasta ha ahaatee safarka shaqo ee hal maalin ah oo Madaxweyne Shariif ku tagay ku tagay ayaa ahaa  mid ku timid markii uu madaxweynuhu casuumaad ka helay dhigiisa dalka Suudaan.

SomaliSwiss     Khartoum

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: