Fanaankii weynaa Mulaxamiiste Jiim Sheikh Muumin oo dib u helaya Xorriyaddiisii.

Halkaan ka akhri

Dadaal badan oo ay sameeyeen Fanaaniin, Suxufiyiin iyo Muwaadiniin kale oo Soomaaliyeed  ka dib, ayaa ugu dambayntii lagu guuleeystay, in Xabsi ku yaalla Hargeysa laga sii daayo Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed Jiim Sheekh Muumin oo dhowr sano ku xirnaa Somaliland.

Fanaanka oo ku eedeysnaa, Gacan ku-dhiigle nimo, ka dib markii sida la sheegay ay Xabadi uga Fakatay fanaan kale oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa maxkamad ku taal Hargeysa ku xukuntay in la qisaaso, taas oo hadda laga badbaadiyay.

Weriye yaal ay ka mid yihiin C/qaadir Dulyar, Xasan Dhaaley iyo kuwa kale oo ka mid ah Suxufiyiintii ku howlanaa sii daynta Fanaankaa ayaa saxaafadda u sheegay in hadda arrintaas inteedii badnayd xal laga gaaray.

Suxufiyiintaan iyo dad kale oo fara badan oo dadaal u galay sidii lagu  sii dayn lahaa Fanaanka, isla markaana loo heli lahaa lacag  DIYO ahaan loo siiyo reerkiisa ayaa hadda soo sheegaya war aan dhiillo xambaarsanayn oo muujinaya in lagu guuleystay xallinta arrinta lagu haystay Jiim Sheikh Muumin.

Fanaanka weyn ee Jiim Sheikh Muumin oo Xabsiga Mandheere ee Somaliland loo taxaabay bartamihii sanadkii 2009, wuxuu ka mid ahaa Mulaxamiistayaasha waaweyn ee Soomaaliya, waxaana lagu xasuusan karaa in Heesaha uu qaado Xasan Adan Samatar badankood uu Mulaxamiiste ka ahaa.

SomaliSwiss Hargeysa
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: