Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab oo isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Saraakiil ka tirsanaa Al-Qaacidda Soomaaliya ee Al-Shabaab  oo isu soo dhiibay Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Sababta ka dambeeysa ka soo bixitaan ay isaga soo baxeen Xarakada Al-Shabaab, waxayna farriin u direen dhallinyaradii ay harjoogayaalka u ahaayeen ee ku jira.Al-Qaacidda Soomaaliya.

Waxaa Laba dhallinyaro ah oo ka tirsanaa horjooggayaasha Al-Qaacidada Soomaaliya  ayaa waxay Saakey wareysi siiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta ka howgesha Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho waxayna ka warbixiyeen waxyaabihii ay Al-Qaacidda u qaban jireen iyo waxyaabo kale, Xudeyfi Maxamed Xasan oo ka mid ahaa horjooggayaasha Al-Shabaab ayaa sheegay in uu gartay khaladka uu muddada ku jiray isla markaana uu Alle fahan siiyay maxaladda uu ku sugnaa in ay ahayd mid fool xumo badan.

Mid ka mid ah Saraakiisha isa soo dhiibay ayaa wuxuu tilmaamay in Shabaab ay yihiin dad fikirkoodu ku shaqeynin, balse ay ku shaqeeyaan fikirrad ka soo maaxatay rag Ajaanib ah, taasina ay meesha ka saartay in ay Shabaab iskula joogaan nimaad hagaagsan, waxa uu intaa raaciyay in Al-Qaacidda uu kala kulmay dhibaatooyin kala duwan, laakin hadda uu dareemayo xornimo iyo wanaagga ay dowladda u heyso dhallinyarada la marin habaabiyay.

Sarkaal magaciisu laguu sheegay Jaamac ayaa isna ku nuux nuuxsaday in Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda ay yihiin dad taariikhdooda baal madow ka galay, maadaama aysan ummada Soomaaliyeed u heyn wax aan ahayn dagaal ah, wuxuuna sheegay in taasi ay tahay sababaha ku kalifay in uu isaga soo baxo Shabaab ayuu tilmaamay in ay ku boorriyeen dhallinyaro saaxiibadiisa ah oo kol hore isaga baxay.

Dhanka kale waxay Saraakiishan ay fariin u direen dhallinyarada kale ee hadda kujira xaaladda jahawareerka ah, ay ku jjrto xakada Al-Shabaab in ay isaga soo baxaan oo ay u yimaadeen dowladdooda si ay ugu noolaan nolol ka wanaagsan tan hadda ay ku jiraan,

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: