Madaxweyne Shariif oo ka qayb galay xaflad tababar loogu xirayey Ciidamo Cusub oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Halkaan ka akhri

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu shalay  ka qayb galay xaflad tababar loogu xerayey Ciidamo Cusub oo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in aanu shaki ugu jirin in ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay noqon doonaan ciidammo awood badan isla markaana dalka oo dhan si buuxda gacanta uga qaban doonaan.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa haddalkaan ka jeediyay xaflad ballaaran oo Tababar loogu soo xerayay Ciidan tiradiisu gaaraysay ilaa Kun Askari oo ku soo biiray ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna carabka ku adkeeyay in ciidammada Xoogga ay noqon doonaan ciidammada ugu wanaagsan Afrika.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif oo dib u milicsaday marxaladdihii ay ciidammada soo mareen ka hor intii aan Al-Shababa laga xorreyn Muqdisho, wuxuuna arrintaas ka yiri “xabadda ay argagixisada soo ridaan wax ay soo gaari jirtay illinta horre ee madaxtooyada, laakin waxaan ku kalsoonaa in ciidammada Xoogga ay waajibkooda ku gudan doonaan isla markaaana ay dalka ka saari doonaan kooxda nabad diidka ah, taasina hadda waa ay ku guulleysteen.

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidammada Xoogga ay dowladda ku bixin doonto dadaal ah sidii ay u noqon lahaayeen ciidan la wareega awoodda ciidan ee dalka, isagoo intaa ku daray in ciidammada Dibishiliinkoodu uu hadda isbaddel ku yimi oo uu mid wanaagsan yahay, madaxweyne Shariif wuxuuna ka codsay Qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado cunuqabateynta Hubka, si ciidammada Xoogga ay u hellaan Qalabkii ay dalka u difaaci laahaayeen.

Dhanka kale  Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa wuxuu dadaal xooggan u galay sidii uu u soo celin lahaa dhismaha iyo jiritaankii ciidammada Xoogga dalka oo hadda isbaddel muuqda ka sameeyay dalka kadib markii ay Al-Shabaab ay ka sareen caasimadda dalka iyo gobollo badan, sidoo kale wuxuu ballan qaaday in uu garab taagnaan doono ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya howlaha dib u soo celinayo nidaamkii dowladnimo uu qaranka Soomaaliyeed u lahaan jiray ay ka wadaan dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: