Major-General Fred Mugisha oo sheegay inay Al-Shabaab ka saareen magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Taliyaha ciidamada Midawga Africa ku sugan Soomaaliya ee AMISOM Major-General Fred Mugisha ayaa waxaa Xafiiskiisa ka soo baxay War saxaafadeed sheegaya  in AMISOM ay guulo ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay bariga magaaladda Muqdisho oo ay Xarakadda Al-Shabab ka saareen gabi ahaanba magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale War saaxaafadedka kasoo baxay taliska ciidamada AMISOM ayaa waxaa maanta lagu qoray qaar ka mid ah wargeysyada ka soo baxa wadanka Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa dawlada ay dagaalyahanada Xarakadda ka saareen gabi ahaanba Muqdisho iyagoona shalay la wareegay dhul kabaxsan magaalada oo ay weerarada kasoo maleegi jireen sida warka ku qoran.

Major-General Fred Mugisha taliyaha ciidamada AMISOM ka hadlayey dagaalada ka dhacay daafaha magaalada Muqdisho wuxuu yiri:  “Hawlgalkii shalay waxaa uu noogu dhamaaday guul Al-Shababna magaalada banaankeeda ayay hadda ku sugan yihiin kamana hari doono” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay.

Dhanka kale Warkaas waxaa lagu sheegay in ciidamada dawlada ay amaanka sugayaan oo ay ka shaqeynayaan sidii amniga dib loogu soo celin lahaa.

Sida horay ay warbaahinta u sheegeen in Ciidamada AMISOM ay shalay la wareegeen deegaano ku yaala waqooyi bari Muqdisho goobahaas oo ay maalmihii la soo dhaafay ku sugnaayeen dagaalyahanada Xarakadda Al-Shabab.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: