Saraakiishii ugu sareysay Al-Muhajiriin; Abu Mansoor Al-Ameriki, Al-Misri iyo Salah-Udin oo la sheegay in xalay guryahoodii lagala baxay.

Halkaan ka akhri

Abu Mansuur Al-Ameriki Al-Amriki oo magaciisa runta ah yahay “Cumar Xamaami” waa mas’uulka ugu sareeya, saraakiisha aajaaniibta ah ee ka bar bar dagaallanta xarakada Al-shabaab, hase yeeshee Video uu maanta soo dhigay internetka ayaa filan waa ku noqday dad badan oo aan si hoose ula socon wararka Al-shabaab iyo ajaaniibta Soomaaliya la xiriira.

HALKAAN KA DAAWO VIDEOGA

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nogu_9CgA width=”540″ height=”400″]

Video-ga uu soo duubay ayuu ku sheegay in Al-Shabaab dili rabaan, hase yeeshee, warar ay heshay shabakadda SomaliSwiss waxay sheegayaan, in Abu-Mansuur Al-Ameriki uu ugu sir warramay qaar ka mid ah saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo ay isku wanaagsan yihiin inuu ka badbaaday isku day dil, kaas oo ay fulin lahaayeen labo qof oo uusun shaacinin cidda soo dirtay, hase yeeshee uu xusay inay doonayay in ay dilaan sida uu hadalka u dhigay oo ay soo direen sida uu hadalka ku gaabsaday qaar ka mid ah Hoggaanka sare ee Al-Shabaab.

Wuxuu kaloo sheegay in uu helay warar sheegaya in la xiray labo Cadaan ah oo uu ku Magacaabay Al-Misri iyo Salah-Udin oo la xiray xalay.

Macadda sida uu warkan uu samayn karo Hoggaanka Al-Shabaab, Amriki waxa uu ka mid yahay Saraakiisha ugu sareysa Al-Shabaab ee uu Maraykanka uu doonaayo, Shabaabna waxa ay ku biireen Al-Qaacida, waxaana ka bar bar dagaalama Ajaaniib badan.

Labada Sarkaal ee uu sheegay Al-Mansuur iyo isaga ayay wararku sheegayaan in ay maalmahaan oo dhan ka shakisnaayeen sababaha ay u dhinteen saraakiil badan oo ka tirsanaa ajaaniibta garabka Almuhaajiriin oo qaarkood dagaallo ku dhinteen, kuwa kalena duqeyn lagu dilay, taas oo shaki weyn kala dhex dhigtay iyaga iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab, waxayna bilaabeen saraakiisha ciidamada ajnabiga ah hogaamisa inay su’aalo waydiiyaan Axmad Godane, Mukhtaar Rooboow iyo saraakiil kale, kuwaas oo ay kala kulmeen sida wararku sheegeen jawaabo aysan ku farxin.

Si kastaba ha noqotee, wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in Xalay abaarihii 12-kii waqtiga Soomaaliya hore loo kaxestay Al-Ameriki laftigiisa oo laga watay magaalada Marka, hase yeeshee ma cadda in la dilay iyo in kale ama in la xiray, ama in dadka kaxeystay ay ahaayeen kuwa ka bad baadinayay qolooyin kale oo ka tirsan garabyada kala duwan ee Al-Shabaab oo aan iyaguba heshiis ahayn.

Sida ilo xog ogaal ah u sheegeen Shabakada SomaliSwiss, Abuu Mansuur bilihii u dambeeyey wuxuu ku noolaa degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, halkaas oo uu ku sugnaa dhowr maalmood ka hor, iyadoo qaar ka mid ah dadka deegaanku ay xaqiijiyeen inuu halkaasi ku qabo xaas labaad oo uu magaaladaasi ka guursaday, isla markaana uu guri iyo baabuur ka iibsaday Magaalada Marka.   

Ilo wareedyo aad ula socda arimaha gudaha gaar ahaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab ayaa sheegaya in khilaafka uu hada ka hadlayo Al Amriki uu ka bilawday labo arimood oo haatan heysta Al-Shabaab.

Tan koowaad ayaa ah, culeyska weyn ee Al-Shabaab ay kala kulmayaan dagaalada uga furangobolada koonfurta iyo bartamaha dalka iyadoo deegaano fara badan gacantooda uga bexeen tan iyo bishii Agoosto ee sanadkii hore.  Qaar ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaan ku qanacsaneyn kaalinta ay qaadanayaan hogaamiyaasha ajaaniibta ee ku dhexjira Al-Shabaab [oo ay u yaqaanaan Muhaajiriin] kuwaasoo qaarkood toos ula safan yihiin garab ka mid ah Al-Shabaab oo ku xiran Axmed Godane.

Saraakiisha Al-Shabaab oo uu ugu horeeyo Mukhtaar Roobow ayaa qaba in dagaalada hadda gudaha ka socda loo wajaho qaab Soomaalinimo ah lagana daayo ku lug duubashada Al-Qaacida halka kooxda kalana ay fikirkaasi diidan yihiin.

Arinta labaad ayaa ah duqeymaha lagu beegsanayo kooxaha ajaaniibta ee Shabaabka la jooga kuwaasoo qaarkood ku dhinteen illaa afar weerar oo dhowaan ka dhacay gobolada Shabeelaha Hoose, duleedka Muqdisho iyo Gedo kii u dambeeyeyna uu ka dhacay deegaanka KM-60.

Waxaa jira shaki weyn oo ragga Ajaaniibta Muhaajiriinta ah ay ka qabaan in duqeymaha beegsiga ay wax ka og yihiin nimanka Soomaalida ah ee diidan dhex jooga ajaaniibta.  Arintan dhowr jeer ayaa kulamo laga yeeshay waxaana ka wada qeybgalay dhinacyada Shabaabka laakiin wax xal ah lagama gaarin iyadoo ragga Soomaalida ah lagu tuhmay inay wax kala socdaan duqeymaha diyaaradaha ay ka geysanayaan gobolada ay Shabaabka maamulaan.

Laakiin farriinta Vedio ah ee uu soo duubay Abuu Mansuur Al Amriki ayaa lagu tilmaamay mid yaab leh oo aan horey loo arkin nooceeda oo kale maadaama uu bannaanka soo dhigay khilaaf qarsoonaa oo u dhexeeyey Al-Shabaab.

Abuu Mansuur Al Amriki oo magaciisa runta yahay “Cumar Xamaami” waa nin ay iska dhaleen Hooyo Mareykan ah iyo Aabe Suuriyaan ah, hase yeeshee wuxuu wax ku bartay kuna barbaaray wadanka Mareykanka oo uu dhalashadiisana haystaa.

Al-Ameriki, wuxuu illaa sanadkii 2006 bilawgiisii deganaa Daphne ee gobolka Alabama ee dalkaasi Mareykanka.

Sanadkii 2006 ayuu Al Amriki ka soo haajiray Mareykanka wuxuuna yimid wadanka Masar isagoo ay la socotay haweeney Soomaali ah oo uu soo guursaday.  Wixii markaasi ka dambeeyeyna waxaa la sheegay inuu Soomaaliya u soo haajiray isagoo ka mid noqday dadka ajaaniibta ah ee ka babar dagaalama kooxda Al-Shabaab.

Al Amriki wuxuu ahaa nin dagaalyahan ah oo had iyo jeer ka qeyb qaata dagaalada tooska ah, waxaana marar badan lagu arkay goobo dagaal oo uu ka qeyb qaadanayey. Sidoo kale wuxuu Al-Shabaab ka caawin jiray tababarida maleeshiyaadka yar yar ee u dagaalama.

Al Amriki wuxuu kaloo xooga saari jiray sidii dadka ajaaniibta ah ee dibadaha ku nool ay ugu soo biiri lahaayeen Al-Shabaab gaar ahaan dhalinyarada ku nool Mareykanka, Canada iyo Europe. Waxaana dhowr jeer la arkay muuqaalo vedeo ah oo uu soo geliyey Youtube-ka isagoo dhalinyarada ugu  baaqaya inay dagaalka Soomaaliya ka soo qeyb galaan.

Bilawgii sanadkii 2011 ayay ahayd markii ugu horeysay ee Al Amriki si toos ah loogu arko meel fagaare ah isagoo ka qeyb galay khudbadna ka jeediyey xaflad ay Al-Shabaab ku qabteen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

SomaliSwiss News Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: