Dagaallo xalay ka dhacay degaanada Ex-Kontorol Afgooye, Abba Gedo iyo Saldhigga Degmada Y/shiid

Halkaan ka akhri

War uu noo soo diray Wakiilka SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Saakay ay degan tahay goobihii xalay dagaaladu ay ka dhaceen ka mid ahaa:  Ex-Kontorol Afgooye, degaanka Abba Gedo duleedka magaalada Muqdisho iyo isgoyska Towfiiq ee degmada Yaaqshiid.

Waxaa Xalay fiidkii maleeshiyaadka Xarakada Al-Shabaab ay fariisimaha ciidamada Dowladda iyo kuwa ASMISOM ay ku soo qaadeen weeraro saddex jiho ah, hase yeeshee la iskuma daahin dagaalkaasi kaddib markii ciidamada Dowladda ay ku firxadeen meel kasta oo rasaas looga soo ridayay.

Ciidamada AMISOM ayaa iyaguna madaafiic loo yaqaano qaabka sarsarka ugu ridayay goobaha ay Shabaab ka soo weerar tageen, waxaana is rasaaseyn aan sidaasi u buurneyn dhex martay ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab oo markii dambe laga itaal roonaaday kuwii weerarka soo qaaday.

Dad goob joogayaal oo ku suganaa Isgoyska Ex-Kontrol Afgooye ayaa waxay sheegeen in dagaalkii ugu horeeyay uu yimid kaddib markii maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay soo weerareen, waxaana halkaasi ka dhacay dagaallo fool ka fool ah oo markii dambe ku khasbay Shabaab inay goobtaasi isaga cararaan.

Sidoo kale dagaaladii xalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ku geeriyoodeen inta la ogyahay ilaa saddex ruux oo rayid ah, iyadoona dhaawac intaasi ka badan yahay, lana dhigay isbitaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: