Abu Mansoor Al-Ameriki oo farriin maqal iyo Muuqaal ah ku sheegay in Al-Shabaab dili rabaan.

DAAWO Somali, English, Arabic

Halkaan ka akhri

Abu Mansuur Al-ameriki, Hogaamiyihii Ajnabiyiinta ka dagaallanta Soomaaliya ee Al-Muhaajiruun oo ay xulufa ahaayeen xarakada Al-Shabaab, ayaa farriin cajal ah oo uu maanta soo diray isla markaana soo dhigay youtube-ka iyo bogaga Alqaacidda, wuxuu ku sheegay in ay nafsaddiisa qatar ku jirto oo uu ka baqayo in Al-Shabaab dilayaan.

Fariintiisa oo maqal iyo muuqaal ahayd oo ka kooban hal daqiiqo iyo bar ayuu ku yiri “Ku socota cid kasta oo muslim ah oo farriintaani gaari karto, waxaan ahay Abu Mansuur Alameriki, farriintaan maanta ayaan soo duubay, sababtoo ah, waxaan dareemayaa inay nafsadaydu qatar ku jirto oo ay idili rabaan xarakada Al-shabaab oo uu na dhex maray farqi kala duwanaasho ku saabsanaa shareecada iyo arrimo la xirrary xeelado  istaraatijiyad dagaal.

[blip.tv http://blip.tv/play/h5Nogu_9CgA width=”540″ height=”400″]

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: