Ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah oo difaacyo adag ka samaystay dulleedka Bari ee G/ Banaadir .

Halkaan ka akhri

Waxaa waaberigii hore ee saakay ay Ciidamada Dowladda KMG ah oo ay wehliyaan kuwa AMISOM waxay la wareegeen deegaano dhowr ah oo ku yaala duleedka bari ee degmada Kaaraan ee G/ Banaadir, kadib markii ay jiireen maleeshiyaadkii Al-Qaacidada Soomaaliya ee Shabaabkii hore oo halkasi ku sugnaa.

Sidoo kale Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa iyagu ku sii socda deegaanno ay ka mid tahay Ceel Macaan iyo Galgalto, waxaana la soo sheegayaa in Ciidamadu ay difaacyo adag ka samaysteen goobihii ay kala wareegeen Shabaabkii hore.

Waru waxuu intaas ku darayaa in ciidammada AMISOM iyo Kuwa Dowladda KMG ah ay si buuxda u degayaan goobihii ay ka saareen Maleeshiyaadka Al-Qaacidada Soomaaliya.

Dhanka kale Fariisimada ay ciidammada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ayaa waxaa haatan ka mid ah dulleedka Qabuurraha Sheekh Cali Cadulle iyo deegaanno ku dhow Ceel Macaan, saraakiisha dowladda ayaa sheegay in haatan Caasimada si buuxda gacanta loogu dhigi karo ammaankeeda.

SomaliSwiss  Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: