Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Ururka Jamacadda Carabta oo sheegay in bisha May uu ka furmayo Turkiga Shir looga hadlayo arrimaha

Halkaan ka akhri

Mudane Cabdulahi Xasan Maxamuud oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Ururka Jamacadda Carabta ayaa sheegay in uu dhici doono Bisha May shirkii ay qaban qaabineysay dowladda Turkiga ee ka dhici lahaa Magaalada Ankara.

Sidoo kale Safiirka ayaa xusay in shirkaani uu daba socdo shirkii horay uga dhacay Magaalada London, loogana hadli doono sidii loo xalinlahaa dhibaatooyinka mudada dheer ka taagan dalka Soomaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xarunta Ururka Jamacadda Carabta ee ku taala dalka Masar Mudan Cabdulahi Xasan Maxamuud ayaa xusay waxyaabaha ugu muhiimsan ee looga hadli doono shirka ay noqon doonaan sidii wax looga qaban lahaa falalka Burcad badeednimo iyo Argagixisada ku soo duushay dalka Soomaaliya kuwaas oo Qatar ku ah Nabadda iyo hormarka dalka.

Dhanka kale Safiirka ayaa wuxuu kalo sheegay in  shirkaas looga hadli doono sidii loo taageeri lahaa howlgalka ay ka wadaan dalka Soomaaliya ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Africa iyo kuwa dowladda KMG, waxaana uu xusay in shirkan ay ka soo qeyb gali doonaan xubno ka socda dalalka carabta iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn Mudane Cabdulahi Xasan Maxamuud ayaa wuxuu beesha caalamka ugu baaqay in laga taageero dowladda KMG Soomaaliya dhinaca la dagaalanka Argagixisada Caalamiga ah iyo sidii ay dowladda KMG gacanta ugu dhigi laheyd Gobolada ay maamulaan Xarakada Al Shabaab.

SomaliSwiss       Qaahira

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: