Qarax Ka Dhacay Maqaayad Ku Taala Afaafka Hore ee Xarunta Madaxtooyada “Villa Somalia”.

Halkaan ka akhri

Waxaa maanta Duhurnimadii ka dhacay maqaayad ku taala Afaafka hore ee Madaxtooyada Dowladda KMG Soomaaliya  ayaa wuxuu isku qarxiyay qof naftiisa haligay, waxaana qaraxaas ku waxyeeloobay dad rayid ah oo halkaas joogay.

War xaqiiqa ah oo  naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa ka dhacay ay ku geeriyoodeen Laba qofood oo mid ka mid ah uu yahay qofkii isku qarxiyey halka qofka kalena uu yahay qof rayid ah oo maqaayada shaah ka cabayey ayadoo dhaawacuna ilaa Lix ruux gaarayo.

Afhayeenka Ciidammada Booliiska Soomaaliyeed ahna taliyaha qeybta CIDda Gaashaanle Sarre C/laahi Xasan Bariise oo saxaafadda kula hadlay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in dadka goobta wax ku noqday ay yihiin dhammaantood dad rayid ah oo maqaayadaas fadhiyey halka dhimashaduna ay tahay oo qura Laba ruux.

Sidoo kalena goobjooge ku sugnaa maqaayada uu qaraxu ka dhacay ayaa u sheegay Radio Muqdisho in qofka naftii haligey amaba is qarxiyey uusoo dhexgalay goob ay ku badnaayeen dadka oo maqaayada ka tirsan kadibna uu is qarxiyey laakiin nasiib wanaag qasaaruhu koobnaa marka loo eego sida uu qaraxu u weynaa.

Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyey sidan oo kale u soo qorsheeyey weeraro ay la eegtaan goobaha ay dadku isugu yimaadaan ayadoo weerarkii ugu dambeeyey ee kan la mid ahna ay ku qaadeen maqaayad lagu magacaabo Baar Fatxi oo ku taala degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: