Halkaan ka akhri
Aqoonyahanka Soomaaliyeed Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo mudo 20 sano ka badan ku noolaa qurbaha ayaa magaalada Muqdisho waxa uu ku qabtay shirjaraa’id oo uu uga hadlayey isbedellada waqtigan ka jira Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.
Ugu horeynii Prof Cabdi Ismaaciil Samatar wuxuu ka hadlay ujeedada uu u qabtay shirka jaraa’id inay tahay inuu shacbka Soomaaliyeed u muujiyo xaalada dalka ka jirta waqti xaadarkan, wuxuuna tilmaamay in marka loo eego sanadihii la soo dhaafay Caasimaddu ay haatan ka gedisan tahay xaaladihii ay horey ugu sugneyd islamarkaana hada ay jirto nabad buuxda.
“Rajadeyda hada ma xuma aadbeyna u wanaagsan tahay” ayuu ku yiri Prof Cabdi Samatar shirkiisa Jaraa’id, wuxuu sheegay in fikirkii uu horey uga aaminsanaana way ka duwan tahay waxaan indhaheyga ku arkay waa wax rajadeydu sii wanaajinayso sidaas darted waan in aan u abuurnaa dalka mashaariic kala duwan.
Si kasta ha ahaatee Prof Cabdi Samatar wuxuu shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay inay xajistaan oo ay ilaashadaan nabadda hada u soo bidhaantay, si ay berry ubadkoodu uga naaloodaan, islamarkaana loo baahan yahay in la’ilaaliyo maadaama aadmigu uusan nabad la’aanteed noolaan karin.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.