Halkaan ka akhri
Madaxweyne Shariif iyo Ra’iisul wasaare Meles Zenawe ayaa habeenkii  xalay  ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, kaasoo ay uga hadlayeen mowqifka labada dal oo jaarka sidii ay ula dagaalami Xarakada Al- shabaab..
Ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Meles Zenawe oo shirkaas jaraa’id ugu horreyntii ka hadlay wuxuu sheegay in dawladiisa ay sii labo jibaarayso dagaalka ay kula jirto Xarakadda Al-Shabab ee Soomaaliya ka dagaalanta.
Sidoo kale  Ra’iisul wasaare Meles Zenawe waxa uu sheegay in dagaalka ay ciidamadiisu kula jiraan dagaalyahanada Xarakadda Al-Sjhabab uu noqon doono mid sii socon doona illaa inta Al-Shabab laga saarayo wadanka oo dhan sida uu yiri waxaana uu xusay inay kordhinayaan taageerada ay siinayaan dawlada KMG ee Soomaaliya.
Meles Zenawe Ra’iisul wasaaraha Itoobiya waxaa uu tilmaamay in ciidamada dawlada Itoobiya oo garab siinaya kuwa dawlada ay Al-Shabab ka saareen deegaano ku yaala bartamaha iyo koofurta waxaana ku hanjabay inay ka saari doonaan deegaano kale oo hadda gacanta ugu jira Xarakadda Al-Shabab oo ku xiran ururka Al-Qacida.
Kulanka labada mas`uul oo qaatay mudo Seddex saacadood ah ayaa waxay ku qaadaa-dhigeen sida ay u socdaan howlgallada lagu baacsanayo haraadiga ee Al-Qaeda ee ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia, waxayna isla qiray inay lagama maarmaan ay tahay sii socoshada howlgalkaasi si meesha looga saaro Al-Qa´eda.
Dhanka kulankan ayaa waxaa la isku afgartay in Ciidammada Ethiopia ay sii wadaan taageerrada ay siinayaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed ilaa inta laga gaarayo dabayaaqada bisha April waqtigaasi oo goobaha ay Ciidammadu wadajirka uga xoreeyeen Al-Qaeda lagu wareejinayo Ciidammo isku dhaf ah oo ka socda Midowga Afrika
Sida la wada ogsoon yahay Ururka Midawga Africa ayaa waxay dhawaan sheegeen in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya ka baxayaan marka la gaaro dhamaad bisha April, waxaana ciidamada Itoobiya ay hadda ku sugan gobolo ku yaala bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.
SomaliSwiss      Addis Ababa
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.