Halkaan ka akhri
Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed oo booqasho ku tagay dalka Ethiopia ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Guddoomiyaha Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, R/wasaaraha dalka Dr.C/weli. Wasiirro, xildhibaanno iyo dadweyne farabadan ayaa maanta Madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa muddadii uu joogay Adis ababa waxaa uu kulan la qaatay R/wasaaraha dalkaasi Meles Zenawi, isagoo kala hadlay arimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xiriirka Labada dal, arinta ku saabsan taageerada ciidamada Ethiopia ay siiyaan ciidamada Dowladda ee howlgallada ka wada gobollada kala duwan ee dalka.
Safarka madaxweynaha uu ku tagay dalkaasi ayaa ka dambeysay kadib markii uu Madaxweynuhu casuumaad rasmi ah ka helay R/wasaaraha Ethiopia Meles Zenaawi .
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.