Madaxweynaha Hiiraan & Midland oo Sheikh Shariif ku eedeeyey inuu ku xadgudbay sharciga dalka iyo shacabka reer Hiiraan.

Halkaan ka akhri

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hiiraan & Midland Ing. C/qaadir Adan  Jiraabeey ayaa xadgudub iyo qalad sharci darro ah ku tilmaamay, magacaabistii madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheikh Shariif uu magacaabay maamulka Gobolka Hiiraan.

Ing. Jiraabeey ayaa sheegay, in aysan diidanayn, maamul uu yeesho gobolka Hiiraan, balse wuxuu wax laga xumaado oo axdiga KMG ee dowladda ka hor imaanaya ku tilmaamay, in madaxweynaha Soomaaliya uu gobolka Hiiraan u magacaabo maamul uusan kala tashan umadda reer Hiiraan.

C/Qaadir ayaa madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyay, in markii laga soot ago, inuusan xaq u lahayn magacaabista maamul uu yeesho gobolkaasi, hadana ay nasiib darro tahay in qofka uu magacaabay uu yahay Hogaamiye Kooxeed hore dhac, boob iyo dil uga gaystay gobolka, isla markaana doonayey inuu qori afkiis ku maamulo gobolka Hiiraan, wuxuuna madaxweynaha ku dhaliilay, inuu hogaamiye kooxeedkaas u saxiixay sidii uu rabay oo ahayd inuu xasuuqo shacabka reer Hiiraan.

Inj. Jiraabeey ayaa sheegay in magacaabista uu ku dhawaaqay madaxweyne Shariif ay tahay sharci darro, taas oo ay sii dheer tahay inay dhibaato ka abuureyso gobolka, isla markaana wuxuu ka digay in dadka walaalaha ah la iska horkeeno ama xilligaan dad hore u wax yeeleeyay, hadana doonaya inay dhibaateeyaan, loo diro.

Isagoo la hadlayay SomaliSwiss ayuu Inj Jiraabeey wuxuu madaxweynaha dowladdda KMG dusha ka saaray, wixii cawaaqib xuma ka yimaada  magacaabista maamulka gobolka Hiiraan iyo qofka uu la jeclaaday ama udoortay madaxweynuhu kaligiis, isagoon xittaa dadka deegaanka. Iyadoo ay xittaa magacaabistaasi ka hor imaaneyso sharciga dalka hadda u degsan oo lagu dhaqmayo, wuxuuna madaxweynaha kula taliyey inuu ilaaliyo xeerka dalka.

Wuxuu madaxweynaha ka codsaday inuu arrintaas, dib u eego, isla markaasna uusan dhayeelsan, in gobolka Hiiraan loo magacaabo, shaqsi hore isaga horkeenay beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka, kaas oo sababay in magaalada la kala xiro.

Wuxuu shegay in shaqsiga uu madaxweynuhu u magacaabay gobolkaas uusan ku soo kordhi doonin, wax aan fitno, dagaal iyo dhibaato ahayn, taas oo uu xusay inaan loo baahneyn xilligaan, wuxuuna u soo jeediyey, madaxweynaha inuu reer Hiiraan ku taageero, isla markaana gacan ku siiyo, sidii dadka deegaanku maamul ay raalli ka yihiin u samaysan lahaayeen, halkii fitno iyo dhibaato loo xawili lahaa.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: