FARMAAJO: Ma fileyn in hadallada nuucaas ah ay ka soo yeeri doonaan qof metelaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

HOOS FIIRI WAREYSIGIISA

Halkaan ka akhri

Ra’isal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamad C/llaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay hadallo eedeyn ahaa oo uu hore u faafiyey wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mr.Mahiga.

Halkaan hoose ka akhri intii khuseysay wareysi uu hore u bixiyay Mahiga oo wax looga sheegayay madaxda dowladda ee hadda joogta iyo kuwii hore xilalka uga degay qaarkood oo laga xusay Farmaajo.  fadlan ogsoonow, wareysigaan ma dhamays tirna, SomaliSwiss waxay idiin tarjuntay intii quseysay eedeymaha uu jeediyay Ambassador Mahiga.

Mr. Farmajo, Qorshaha makuugu jirtaa inaad doorashada madaxtinimada u tartanto bisha Agoosto ee soo socota?

FARMAAJO: Arrintaas weli Go’aan kama gaarin, markii aan go’aan gaaro ayaan ka jawabi karaa.

Marka ugu horeysa waa isu imaan doonnaa, waan is abaabuli doonnaa, dabadeed waxaan go’aanka gaari doonnaa oo ka fikiri doonnaa wixii aan samaynayno inagoo Urur ah, waa laga tashan doonaa wax kasta xataa doorashada.

Wareysi uu siiyay shabakadda Somalireport, Augustine Mahiga wuxuu sheegay inaad afka iyo gacmaha ku dagaallamayso si aad ugu soo noqoto hogaanka talada dalka Soomaaliya, isla markaana khilaafka baarlamaanka aad ka dambeyso, maxaad uga jawaabi lahayd arrintaas?

FARMAAJO: Aad ayaan ula yaabay markii aan akhriyey warkaas, wuxuu ahaa wax lama filaan ah, maxaa yeelay sida caadiga Qof darajadaas oo kale xambaarsan, waa inuu isticmaalaa luqad siyaasi, lagamana filan karo lahjad nuucaas ah inuu ku hadlo.

Dabcan waxaan ka fileynaa inuu noqdo nin dhex dhexaad ah, luqadda uu ku hadlayay maalin hore mid caafimaad qabta ma ahayn, markii aan xaqiiqda kuu sheego.

Waana hubaa, in saaxiibadiisa kale ee UN-ku aysan ka helin, qof ay tahay inuu gaaro go’aanno aad u waaweyn oo hadana iskiis isagu iska qiyaasaya wax aan jirin. 

Mahiga wuxuu ku taliyey inaad ku lug lahayd samaynta urur dhowaan ay ku dhawaaqeen qolo wadaado ah oo ay u bixiyeen Daljir, kaas oo uu shegay in ugu yaraan uu idinka dhexeeyo gacan saar. Run miyaa in ay wax kaala dhexeeyaan ururka Aala sheikh?

FARMAAJO: Aala Sheikh waxay qayb ka ahaayeen dowladda, waxay ku jiraan baarlamaanka, madaxweynahana xiriir dhow ayay leeyihiin, mana ahan dad qaswade-yaal ah, qof kasta ama cid kasta oo aan  dhibaato ka shaqeyneyn waxay xaq u leedahay inay cabirto ama muujiso wixii aragtiya hab dimuqraadiya.

Dadka ayaa go’aansa doona cidda ay diinayaan inay u codeeyaan iyo qofka ay dooranayaan,  go’aanka iyagaa iska leh haddii ay ku xulanayaan qaab diimeed, haddii ay ku xulanayaan karti qofnimo ama waxyaabo kale. Taassi ma ahan go’aanka Mahiga, iyo qof kale toona, waa arrin u taalla umadda Soomaaliyeed.

Haddii aan ka jawaabo, anigu kama fileyn hadallo nuucaas ah. Lahjadaha uu ku hadlay waxaa laga fili karaa qof ka mid ah dhaq dhaqaaqyada siyaasadda Somaliya ka jira, inkastoo xataa aanan weligey ka mid noqon urur diimeed, hadana ma fileyn in hadallada nuucaas ah ay ka soo yeeri doonaan qof metelaya xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

 Ma kuu muuqatay in xafiiska qaramada midoobay ee arrimaha siyaasadda Soomaaliya uu kaa xagliyey, xilligii la karinayey Kampala Accord?

FARMAAJO: Mahiga kaalin weyn ayuu ka ciyaaray. Waxaan jeclahay inaan halkaas ku dhaafo su’aashaas, maxaa yeelay, ma doonayo inaan qeyb ka noqdo dagaal afka ah oo saxaafadda la isu mariyo. Marnaba ma doonayo inaan kasii hadlo.

Laakiin, wuxuu ka ciyaaray kaalin aad iyo aad u muuqatay, arrintaas waxaan ka hadli doonaa waqtigeeda, waxaan daabacayaa bug tilaabo tilaabo u sharraxaya dhamaan wixii dhacay ee arrintaas ku saabsan, laakiin xilligaan ma doonayo inaan halkaas u dhaafo.

Wax wel wel ah maka qabtaa , in Mahiga doonayey inuu xagal daaciyo, haddiiba aad qorsheyneyso inaad isu sharraxdo madaxweyne.

FARMAAJO: Hogaamiye kasta oo Soomaaliyeed oo mustaqbalka xil qabanaya, waa in ay go’aankiisa lahaadaan dadka Soomaaliyeed, waxaan doonaynaa dowlad ay dadku leeyihiin oo iyaga u adeegta, ma ahan go’aankaas inay lahaadaan wakiillo Ajnabiya.

Si loo helo, nabad iyo deganaasho dalka ka hana qaadda, waa in shacabka Soomaaliyeed iyagu lahaadaan go’aanka nuuca qofka hogaamiyaha inuu u noqdo ay doonayaan.

Wakiil kasta oo ka socda UN-ta ama xubin kasta oo metelaysa bulshada caalamka waa inay dhex dhexaad ka ahaadaan arrimaha siyaasadda Soomaaliya, si Soomaaliya lugaheeda mar kale ugu istaagto. Waa inaan loo abuurin ama loo yeerin waxyaabaha ay samaynayaan, haddii kale waxa dhici doonto in ay ku guul dareystaan wakiilladaasi howshii ay u xil saarnaayeen ee loo soo wakiishay. Dabcan shaqadoodu waa inay Soomaaliya ku soo dabaalaan nabad iyo kala dambeyn, isla markaana ay isu keenaan qeybaha kala duwan  si ay u wada hadlaan.

Waxay ila tahay inay dhinacaas xoogga saaraan, laakiin haddii ay u xagliyaan hal dhinac, isla markaana fogeeyaan dhinac kale, waxay luminayaan kaalintii dhex dhexaad nimada iyo kaalintii aaminaadda, mana doonayo in arrintaasi ay ku dhacdo Mahiga ama qof kale.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: