Wafdigii uu Hogaaminayey R/wasaare C/weli oo Dalka Ku Soo laabtay Barqadnimadii Saakey

Halkaan ka akhri

R/Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya C/weli Maxamed Cali ayaa Barqadnimadii Sakey dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho wuxuuna warbaahinta uga warbixiyay kulamo uu kula yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Mareykanka iyo Ambaasadooradda wadamaada daneeya Soomaaliya.

Dr.  C/weli Maxamed Cali ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Xubno ka tirsan golaha wasiirada, xildhibaano, duqa magaalada Muqdisho, saraakiisha ciidamada, ururada Haweenka, dhallinyaro, fanaaniin iyo boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid xaafadaha magaalada Muqdisho kuwaas oo ay hormuud ka ahaayeen guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali ayaa shalay kula kulmay magaalada Nairobi Haweeneyda Wendy Sherman oo ah ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mareykanka oo u qaabilsan dhanka Siyaasadda. Labadan mas’uul ayaa kulankooda uu ka dhacay magaalada Nairobi oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhameystirka Xilliga Kala Guurka ah, amniga, dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka.

Wafdigan ka socday Mareykanka ayaa waxey maalmahan safar shaqo ku marayeen waddamo badan oo ka mid ah Afrika, kulanka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyana waxey markhaati ka tahay sida ay Mareykanka mudnaan gaar ah u siinayaan arrimaha Soomaaliya.

Wendy Sharman ayaa ku bogaadisay Ra’iisul Wasaare Abdiweli dadaalka dheeriga ah iyo waxqabadka muuqda ee 6dii bilood ee la soo dhaafay ka dhacay Soomaaliya oo ay sheegtay in caalamku rajo weyn ka qabaan Soomaaliya, shirkii London ka dhacayna uu tusaale fiican yahay sida ay caalamku diyaar ugu yihiin Soomaaliya. Wendy waxey xustay eraygii Hillary Clinton ee ahaa in Xilliga KMG ah uu dhammaanayo oo aan la aqbali karin in mudada la kordhiyo.

Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa uga mahadceliyey Wendy Sherman kulankan muhiimka ah iyo sida ay Dowladda Mareykanka u garab is taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, waxuuna u xaqiijiyey in Xilliga KMG ah aan lagu dari karin oo shacabka Soomaaliyeed aysan aqbali karin mudo kororsi, sidoo kale Abdiweli wuxuu sheegay in maanta Soomaaliya ay heysato waddadii saxda aheyd ee Roadmap ka oo ah nidaamkii lagu dhameystiri lahaa Xilliga KMG ah isla markaana bilaha soo socda lagu dhameystiri doono dastuurka oo weliba dib-u-habeyn lagu sameyn doono baarlamaanka oo la rabo in baarlamaanka cusub noqdo mid tayo leh oo kalsoonida shacabka hanan kara.

R/wasaaraha xukuumadda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Gaas oo mudooyinkii ugu dambeyay safarro shaqo ku soo kala bixiyay wadamada Britain, Biljamka, Denmark, Sweden iyo Kenya.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: