C/raxmaan Faroole oo fashilay heshiisyo sir ahaa oo ay wada gaareen isaga iyo madaxda dowladda KMG.

HOOS KA DHEGAYSO HADALKIISA

Halkaan ka akhri

C/raxmaan Faroole, Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay fashilay, heshiisyo qarsoodiya oo ay wada gaareen isaga iyo mas’uuliyiinta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Faroole ayaa sheegay in isaga iyo madaxda dowladda KMG ah ku heshiiyeen in Lacag cusub oo dalka dhowaan la keeni doono qeybta ugu badan lasiiyo maamulkiisa, isla markaana dastuurka hadda qabyada ah ee dalka Soomaaliya yeelan doono uu noqdo mid saldhigiisu yahay ama waafaqsan sharciga Puntland u degsan, isagoo sheegay in Puntland hadda ku dhaqanto xeer qabyo ah oo uu maamulkiisu hore u diyaariyey.

Si looga miro dhaliyo isla markaana Xeerka Soomaaliya yeelan doonto u noqdo dastuur laga guuriyey Kan Puntland ayuu C/raxmaan Faroole u sheegay dadkii uu la hadlayay in ay qasab ku tahay reer Puntland in xilliga la ansixinayo dastuurka Soomaaliya ka hor ay dhaqan geliyaan xeer qabyo ah oo uu maamulkiisu diyaariyey, kaas oo noqon doona sharciga Puntland leedahay.

Isagoo xalay ka hadlayay, Xaflad lagu shaacinayey xilliga ay dhici doonto doorashada madaxwaynaha Puntland ee soo socota oo la filaayay inay qabsoonto bisha Janaayo ee sanadka dambe 2013 ayuu sheegay in xukuumaddiisa waqtigeedu dhamaanayo Janaayo 2014, isagoo xusay in waqtigaas ay dhici doonto doorashada madaxtinimo ee Puntland.

Faroole  oo xafaladda uu ka halayay ay kula sugnaayeen  xubno katirsan xukuumaddiisa iyo qaar ka mid ah golaha wakiiladda Puntland ayaa lagu shaaciyay in 15-ka bishan la qaban doono afti u qaaditsa dastuurka cusub ee Puntland oo ay ansixin doonaan 480-ergay oo sida uu sheegay laga soo xuli doono Puntland.

Faroole, wuxuu sheegay in maamul goboleed yada hadda laga sameeyo meelo dalka ka mid ah ay yihiin kuwa lagu xumeynayo Puntland, wuxuuna xusay in aysan dowladda KMG ah xaq u lahayn aqoonsiga maamul goboleedyo cusub ama inay la xaajooto Somaliland.

Isagoo sii hadlaya ayuu ku jees jeesay ‘sidee niman aan Muqdisho dhaafi karin oo aan xitaa Balacad gaarin ula xaajooneyso Somaliland’. HALKAAN KA DHEGAYSO HADALKIISA OO DHAN.

[audio https://somaliswiss.files.wordpress.com/2012/03/khudbaddii-faroole.mp3|titles= HADALKA FAROOLE |artists= From SomaliSwiss|bg=0x0000ff|righticon=0xff0000|border=0×666666|loader=0x9FFFB8]

SomaliSwiss Garoowe
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: