Waxgarad u dhashay gobolka Hiiraan oo dowladda KMG ah ugu baaqay in deg deg maamul cadaalad ah loogu sameeyo gobolkaas.

Halkaan ka akhri

Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan ayaa dowladda KMG Soomaaliya ugu baaqay in si deg deg ah maamul loogu sameeyo gobolka Hiiraan si ay meesha uga baxdo dhibaatada ay sheeganayaan shacabka gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in dib u habeyn lagu sameeyo ciidammada dowladda iyo kuwa kale ee halkaasi ku sugan.

Maxamed Axmed Dhaga-weyne oo horay u ahaan jiray guddoomiyihii gobolka Hiiraan oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa ee maamulka Soomaaliland oo wareysi siiyay qaar ka mid ah warbaahinta ka howl gesha gudaha dalka Soomaaliya, ayaa sheegay in gobolka Hiiraan ay ka jirto dhibaato xoog leh, sidaa darteedna ay lagama maarmaan tahay in la helo maamul wanaagsan oo gacan adag ku qaban kara gobolkaasi.

Sidoo kale Dhaga-weyne wuxuu tilmaamay in magaalada Baladweyne ay ku sugan yihiin ciidammo kala duwan, taasina ay dhibaato ku tahay shacabka, isagoo madaxda dowladda FKMG ugu baaqay in ay ciidammadaasi magaalada ka saaran oo ay Tababarro u sameeyaan.

Dhanka kale waxa uu ka digay in magaalada Baladweyne ay mar kale ku soo laabtaan maleeshiyaadka Al-Qaacidda inta is-qabqabsiga beelaha deegaanka ay ka jirto, sidoo kale wuxuu intaa ku daray in kooxahaasi ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, isagoo ka digay in haddii aan arrintaasi mas’uuliyad dowladdu iska saarin ay ka dhallan karto dhibaato hor leh.

SomaliSwiss  Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: