Wafdi ka socda dowladda Mareykanka oo maanta Muqdisho imaanaya si ay madaxda dowladda ugala hadlaan arrimo muhiim ah.

Halkaan ka akhri

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, qeybta u qaabilsan Siyaasadaha Mareykanka ee Afrika ayaa lagu wadaa inay maanta oo Sabti ah soo gaaraan magaalada Muqdisho, si ay madaxda dowladda KMG ah culeys ugu saaraan, xoojinta amaanka gobollada laga xoreeyay Al-Shabaab.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan arrimaha siyaadda Afrika, Haweeney lagu magacaabo Wedy Sherman  ayaa sheegtay in dalkeedu uu taageersan yahay dedaallada nabadda ee Soomaaliya iyo in dalka Soomaaliya uu ka baxo xilliga KMG ah, waqtiga loogu tala galay.

Wendy oo shalay Jimcihii shir saxaafadeed ku qabatay magaalada Nairobi ayaa sheegtay in ay kulan la qaadan doonto madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya, isla markaana ay kala hadli doonto adkeynta nabad gelyada gobollada Soomaaliya oo dhan, gaar ahaan, kuwa dhowaan laga saaray xarakada Al-Shabaab iyo in howlgallada lagula dagaallamayo kooxdaas la sii wado.

Danjire Wendy Sherman waxay sheegtay in xukuumadda Washington ay si buuxda u taageersan tahay dadaallada ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya, AMISOM iyo Ethiopia ka wadaan Soomaaliya ee ku doonayaan inay dalka nabad ku soo dabaalaan.

Waxay sheegtay in dadaalladaas nabadda iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee hadda Soomaaliya ka socda ay yididiilo iyo saadaal wanaagsan u yihiin xasilooni iyo nadbad waarta oo ay helaan umadda Soomaaliyeed oo ka soo daashay dhibaato.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: