HOOS AKHRI ORGINAL PAPERS
Halkaan ka akhri
Ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia Agustine Mahiga ayaa Qoraal uu shalay soo saaray raalli gelin ka bixiyay, saameynta uu yeeshay hadal uu dhowaan sheegay oo ay ka muuqatay inuu sharaf dhaamay Dowladda KMG ah iyo madaxdeeda, Baarlamaanka dadka ka tirsan iyo Farmaajo, Ra‘isal wasaarihii hore ee soomaaliya oo uu ku daray hadalkaas uu dhowaan bixiyay.
Wuxuu ku adkeystay inuusan ka xumeyn wixii uu hore u sheegay, balse raalli gelintiisu la xiriirto, dadka qaarkood oo uu yiri ‘si qaldan ayay warkayga u fahmeen ama loogu fasiray’
Wuxuu xusay in aragtidiisa ay waajib tahay in la sheego, lagana digo isla markaana la cabsigeliyo, qaar ka mid ah, kooxaha iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed oo uu ku eedeeyay inay fowdo ka wadaan Soomaaliya, kuwaas oo uu ku eedeeyay in aysan dooneyn nabad, wuxuuna ku adkaystay in la farmuuqayo dadka ceynkaas ah iyadoo aan loo eegeyn buu yiri  koox, shaqsi, booska ay siyaasadda kaga jiraan ama urur dimeedka ay u nasab sheegtaan.
Waxa uu sheegay Mahiga inuu ka walaacsanyahay kooxo doonaya inay xagla daaciyaan qorshaha nabadda ee Soomaaliya, kuwaas oo doonaya in waqtiga dib loo kordhiyo, isla markaana riixaya buu yiri inaan laga bixin waqtiga ku meel gaarka ah ee dowladda, isagoo intaas ku daray inay doonayaan in ay hor istaagaan in la helo dowlad loo wada dhanyahay, oo ka dhalata mirihii Kampala Accord shirkii Garowe iyo Roadmap.
Waxa uu sheegay Mahiga inuu ka xunyahay in qaar ka mid ah hadaladiisa si xun loo fahmay ama si qaldan loo turjumay, isagoo carabaabay in hadalladiisii loo bedelay kuwo diin naceyb uu ku jiro, kuwa uu uga soo horjeedo xuriyatul Qowlka, kuna dhaleeceeyay Madaxda sare ee dowladda iyo waxyaabo kale.
Waxaan ka xumahay buu yiri in si qalad ah la ii fahmo, anigoo hadafkeygu ahaa inaan bidhaamiyo qataraha ka imaan kara in koox gaar ah ay awooda dalka gacanta ku heyso.
Waxa uu sheegay inay tahay markii ugu horeysay, muddo lix todbaad ah oo uu qoraal noocan oo kale ah ka soo saaro xafiiska uu dhawaan u guuray ee magalada Muqdisho.
Waxuu ugu baaqay Beesha caalamka inay iyana u soo guuraan muqdisho si buu yiri ay gacan uga geystaan horumarinta hanaan socodka nabadda Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in Soomaliya weli ay la daalaa dhaceyso mushkiladda ka taagan Baarlamanka, kuwaasoo hor istaagay buu yiri howlihii aasaasiga ahaa ee xildhibaanada, oo baarlamankuna uusan ka gudan Karin shaqadiisa. HALKAAN KA AKHRI WARQADDA MAHIGA SOO SAARAY OO ORIGINAL AH AMA ASAL AH.
Hadalkaan Mahiga soo saaray hadda waxaa keenay hadal uu hore u yiri kaas oo uu uga hadlay arrimo kala duwan, hase yeeshee u muuqday mid uu ku durayay guud ahaan Soomaalida, gaar ahaan dadka hogaanka haya ama hore u qabtay nuuc kastaba, hadalladaas oo qeyb ka ahaa Wareysi uu dhowaan bixiyay (Halkaan ka akhri Wareysigii Mahiga uu ku ceebeeyay Somalida iyo hogaankeeda oo dhamays tiran) kuwoodii ugu cuslaa hadaladiisa ayuu ku yiri:
BAARLAMAANKA.
Ugu horeyn Baarlamaanku wuxuu u qeybsan yahay kooxo tartamaya, laakiin koox kasta waxaa ka dambeeya ujeedooyin u adeegaya dad gaar ah! waxaa kale oo ka sii dambeeya “Ma doonayno in wax isbedel ah dhacaan”, waxaa kale oo ka sii dambeeya Hogaamiye kooxeedyo iyo kuwo qaswade-yaal ah. isagoo sii hadlaya ayuu u hanjabay oo wuxuu yiri “Dadkaasi ma leh wax mustaqbal ah. Kuwaas Mustaqbalkoodu waa inay sii ku sii nagaadaan meeshooda. Kuwaasi waa inay maalin maalmaha noloshooda hor istaagaan maxkamadda dambiyada adduunka ee ICC (International Criminal Court).
MAXAMAD C/LLAAHI FARMAAJO
Mahiga oo ka hadlayay Ra’isul wasaarihii hore wuxuu yiri “Farmaajo wuxuu ku dagaallamayaa afka iyo gacanta si uu u soo laabto mar kale, si uu taas uga miro dhaliyana, waxaan filayaa in siyaasi kastaahi meesha uu ka bilaabayaahi tahay inuu gacanta ku dhigo Baarlamaanka. Waxaan isaga ka haynaa cadeyman, xittaa waxaa jira dad uu soo dirsaday si ay u qabtaan xilka gudoomiyaha baarlamaankaÂ
Filed under: Monitoring Desk |
You must be logged in to post a comment.