FAALLO:- Gobolladdii laga Saaray Xarakada Al-shabaab oo ay ku hardamayaan dowlad Goboleedyo salka ku hayo Qabiil.

Qore: Dr. A. Dhicisow

Halkaan ka akhri

Ma dib ayaan u noqanaa, mise horey ayaan u soconaa!!!? Waa su´aal cajiib oo dadka waddaniyiinta ah ay la yaaban yihiin sida ay ku socoto Siyaasadda Soomaaliya marxaladda kala guurka ah.

Dadka Soomaalinnimada jecel waxay la yaaban yihiin dadka hor boodaya Siyaasadda oo u badan Qurbajooga jeceel xukunka , kuna gabanaya magaca qabiilka ayaa sabab u ah qaska ka socda gudaha Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Gobollada  la sheegaya in laga xorreeyey haatan Xarakada Al-Shabaab waxaa gacanta ku hayo dad sheegana inay yihiin maamul Goboleedyo, balse ay u muuqdaan inay yihiin  hoggaamiye Beeleedyo ku dhisan hal qabiil, tani waxay dib inoo xusuusinaysaa 10 Sano ka hor sida ay Soomaaliya ahayd.

Haddaba waxaa dad badan is su`aalayaa sida loo arkaa  Dowlad Goboleedyada la socda Ciidamada Ethiopia iyo Kenya ee sheegana inay yihiin Ciidamada Dowladda, markii la qabta magaaloyinkii haysatay Shabaabku u xuub siibta hoggaamiye Dowlad Goboleed ee salka ku haysa hab qabiil oo doonaya inay ka sad-bursato qabaa´ilka kale ee deggan deegaankaas .

Gobollada la isku haysto waxaa ka mid ah Gobolada Hiiraan, Jubbooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool oo qalalaase xoog badan ka taagan,  hase yeeshee dowladda KMG ah ay indhaha ka daboolatay xaqiiqada ka jirta meelaha ay qabteen Ciidamada Ethiopia iyo Kenya, loona làyahay Xal Siyaasadeed.

Marnaba suurta gal mahan in lagu guuleysto dhismo Dowlad dhexe ee  Soomaaliyeed iyo mid Goboleed oo ay Soomaalidu raalli isaga yihiin, haddii aan wax laga beddelin Siyaasadda gurracan ee hatan ka socota dalka Somaaliya, balse waxaa la yaab leh waxa loo diidan yahay in la raaco sida uga wanaagsan ee dowlad wanaag lagu heli lahaa.

Haddba waxaan u soo jeedinayaa Dowladda hadda jirta ee KMG ah iyo Ummadda Soomaaliyeed ee Nabadda Jecel, inay wanaagsanaan lahayd in marka hore la ogaado inta qabiilka wada dega  gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab, kadibna loo sameeyo gudiyo si caddaalad ah u soo xula Guddiyada Maamulka Heer degmo, heer Gobol iyo Wakiilada heerka qaran oo ah Xildhibaanada, iyadoo shuruudahana laga dhigaayo qofka Waddaniyadiisa, Heerka Aqoonta, Asluubta wanaagsan, inuu Eed ka gelin guud ahaan dalka iyo inuu ka soo jeedo deegaankaas.

SomaliSwiss   Zürich

WQ: Dr, Axmed Dhicisow Daauud

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: