Dowladda Britain oo xabsi dheer ku xakuntay nin Lacag u diray saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Halkaan ka akhri

Maxkamadda Woolwich Crown Court oo ku taal dalka Boqortooyada UK ayaa xabsi gaaraya 5 sanadood iyo 3 bilood ku xakuntay nin Ingiriis ah oo la sheegay inuu lacago ugu deeqay Saddex nin oo saaxiibadiis ah, kuwaas oo howlo Argagixiso ugu baxay ama u dagaal doontay dalka Soomaaliya sanadkii 2010-ka.

Shabaaz Hussain oo 28 jir ah oo waaxda Nabad gelyada dalka Britain ay sheegeen inay muddo daba socdeen ayaa lagu oogay dacwad 7 darajo dambiyeed ka koobneyd oo qaybta ugu culus ahayd in uu niman saaxiibadiis ah oo ka bar bar dagaallamaya xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya u diray lacag dhan  14,000 US dollars  ama (£9,114) oo Geniga Ingiriiska ah.

Waaxda Nabad gelyada oo dacwad ku oogay ninkaas ayaa lacagtaas inuu diray ka sokoow, waxay maxkamadda keeneen CDs iyo DVDs  ay duubeen Alqaacida iyo  sidoo kale Qoraalo daabaceen qaar ka mid ah madaxda Al-Qaacida oo uu ku jiray Osama Bin Laden, kuwaas oo la sheegay in guriga ninkaas laga soo helay.

Shabaaz ayaa lacagtaas u diray Muhammed Jahangir, Tufual Ahmed iyo Mohammed Shahim oo saddexdooduba ka mid ah saraakiisha sar sare ee Ajaaniibta Al-shabaab ka garab dagaallanta, intii u dhexeysay January 2009 and October 2010, nimankaas oo markoodii horena ka tegay dalka Ingiriiska, Saxaafadda Britainna u bixisay “The Somali Three”.

Shahbaaz ayaa la sheegay inuu maxkamadda ka hor qirtay inuu lacagtaas diray, inkastoo uu dafiray inuu wax ka ogyahay waxa loo isticmaalayay iyo shaqada lagu fulinayay toona.

Calvert-Smith, oo ahaa Xaakimka dhegeysanayay dacwadaan ee xukunka ku riday ninkan  ayaa sheegay in uu Shahbaz si bareer ah lacagta u diray si loogu isticmaalo hawlo argagixiso iyo in dad aan waxba galabsan lagu dhibaateeyo.

Qareenadda ninkaas dacwadda ku oogaysay oo lagu magacaabo Ms Whitehouse ayaa ku doodday in nimanka uu lacagta u diray eedeysanuhu ay doonayaan inay  Umadda dalka Ingiriiska ku nool dhibaato u geystaan mustaqbalka ama ugu yaraan ay ku qasbaan inay qasab uga baxaan diimaha ay haystaan.

Dhinaca kalena, Qareenka ninkaas Imran Khan ayaa ku dooday inaysan jirin wax cadeymo ah oo loo hayo in ninkaasi uu daawaday CDs iyo DVDs ama akhristay qoraalada lagu heysto ee gurigiisa laga helay.

Dawlada Britain ayaa walaac ka muujisay dhalinta kala duwan ee Soomaaliya u taga, dagaalka ay kooxaha argagixisadu ugu yeeraan inuu yahay ‘Jihaadka’ waxaana dambi adag ka ah inta badan wadamada Yurub in xiriir lala yeesho ama la maal geliyo kooxaha Argagixisada.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: