Halkaan ka akhri
Mr. Herman Van Rompuy oo ah Madaxa Sare golaha guud Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inay kordhinayaan dhaqaalaha ay siiyaan ciidamada midawga Africa ee AMISOM ee ka hawl gala Soomaaliya.
Magaalada Brussels ee xarunta wadanka Biljimka, Isla markaasna ah Xarunta ururka Midawga Yurub ayaa la sheegay in Mr. Herman Van Rompuy uu kula kulmay R/wasaaraha wadanka Kenya Raila Odinga, waxana ka wada hadleen Xaaladda Geeska Afrika gaar ahaan dalka Soomaaliya iyo Xiriirka Kenya iyo Midowga Yurub.
R/wasaaraha  dalka Kenya wuxuu Saxaafadda u sheegay in Midawga Yurub uu kordhinayo dhaqaalaha uu ku bixiyo hawlgalka midawga Africa ee AMISOM oo ay gaarsiinayaan lacag dhan (100 million oo lacagta Yurub ah) taasoo loogu talo galay in lagu dar dar galiyo hawlaha ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.
Sidoo kale Madaxa Sare golaha guud Midowga Yurub  ayaa sheegay inuu dawlada Kenya uga mahadnaqayo dadaalka ay ugu jirto nabad raadinta Sooomaaliya iyo inay ciidamo u direen dalka Soomaaliya oo ay kula dagaalameen Xarakadda Al-Shabab.
Sida la wada ogsoon yahay Midowga Yurub ayaa isku raacay Joogistooda Milateri ee dalalka geeska Afrika si ay gacan ugu geystaan la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaaliya iyo kooxaha argagaxisada.
Dhanka kale Ra’iisulwasaare Raila Odinga ayaa ugu mahadceliyay Ururka Midowga Yurub taageerada ay la garab taagan tahay Ciidanka AMISOM.
SomaliSwiss    Brussels
Filed under: EU |
You must be logged in to post a comment.