Maalinta Haweenka Caalamka oo maanta laga xusay Muqdisho iyo Magaalooyin kale.

Halkaan ka akhri

Waxa dalka Soomaaliya maanta ka soconaaya munaasabado lagu xusayo Maalinta Haweenka Soomaaliyeed ee 8-da Maarso, iyadoo munaasabadaahan qaarkood ay ka kala dhacayaan deegaanada maamuladda Puntland Galmudug iyo Somaliland iyo qeybo kamid ah goboladda Dhexe.

Sidoo kale Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa Saakay ka bilaabatay Gurigii hore ee hooyooyinka ee Magaalada Muqdisho, waan markii ugu horaysay muddo 21-sano kadib xuska munaasabadda 8-da Maarso lagu qabtay gurigii Hooyooyinka.

Mas’uuliyiin badan oo ka kala socda Dowladda KMG ah, ururada Bulshada rayidka iyo madax kala duwan ayaa ka soo qaybgashay Munaasabadaasi, iyadoo Magaalada Muqdisho iyo halka ay ka dhacayso Munaasabadda lagu xardhay Boorar waa wayn oo ka tarjumaya qiimaha ay bulshada u leedahay maalinta 8da Maarso, gaar ahaan Haweenka Soomaaliya.

Dhanka  kale Xuska Munaasabadda 8-da Maarso ayaa la sheegay in galabta tartamo Isboorti oo lagu muujinaayo muhiimada maanta ay haweenka Soomaaliyeed u leedahay, isidoo kale waxaa  magaalada Muqdisho lagu arkayo Haweenka oo ku sii qulqulaaya halka ay xafladu ka socoto.

Si kasta ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa maanta ka baddellan sanadihii hore sanadkaan, waxaana saakay arroortii ka billaabday calaamado aan horrey loogu aqoon, kuwaa oo ay ka mid yihiin haween badan oo isugu soo baxay waddooyinka waa weyn ee magaalada si ay u muujiyaan xuska maalinta haweenka aduunka.

Balse Haweenka Soomaaliyeed ayaa ah kuwa u nugul dhibaatooyinka dalka ka dhaca, waxaana Haweenku ay muddo 21-sano kadib ay isugu imaanayaan gurigii Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: