Dowladda Soomaaliya oo codsatay in lagu daro ururka wadamada Geeska Afrika ee EAC .

Halkaan ka akhri

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa si rasmiya u codsatay Talaadadii shalay in ay ka mid noqoto Ururka ay ku midaysan yihiin Bahda Dhaqaalaha ee Geeska Afrika ee loo yaqaanno EAC, sida uu xaqiijiyey, Wasiirka arrimaha dibadda Kenya.

War laga soo saaray xafiiska madaxweynaha Kenya Kibaki ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmiya u codsatay inay ku biirto ururka EAC oo ay ku bahoobeen wadamada Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda and Burundi, waxaana qoraalkaas lagu xusay in Codsiga dowladda Soomaaliya uu soo gaaray Madaxweynaha Kenya oo isagu ah gudoomiyaha xilligaan ee ururkaasi.

Qoraalka ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in codsigaasi ka socda Soomaaliya uu wasiirka arimaha dibadda Kenya soo gaarsiiyay Watangula soo gaarsiiyay Ambassador Abdi Hakim Ali Yasin oo la sheegay inuu yahay wakiilka gaarka ah ee Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Sheikh Shariff.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ururku uu dersi doono codsigaasi ka yimid dowladda Soomaaliya oo sidoo kale gacanta ku haya codsi kale oo ka socday dowladda Koofurta sudan,iyadoo ururkaani shirkii uu ku yeeshay Bujumbura Novebmber-tii la soo dhaafay dalka Sudan loogu diiday inuu ka mid noqdo ururkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Watangula ayaa sheegay inuu codsiga dowladda Soomaaliya u gudbin doono wadamada xubnaha ka ah ururkaasi, isla markaana la dersi doono, dabadeedna natiijada looga dhawaaqi doono shirka soo socda ee ururku yeesho.
SomaliSwiss Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: