Dagaallo xalay ka dhacay duleedka degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka akhri

Magaalada Muqdisho daafaheeda ayaa waxaa xalay laga maqlaayay Dagaallo Culus iyo duqeymo xooggan oo ka dhacaaya degmooyinka Kaaraan iyo Dayniile, iyadoo halkaasi ay ku dagaalamayaan ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo haraagii Al-qaaidada soomaaliya ee Al-Shabaab.

Sida lagu soo warramay Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaadka haraagii Al-qaaidada soomaaliya ee Al-Shabaab ay weerarro ku soo qaadeen fariisimo ay ciidamada Dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmooyinkaasi.

Taliyaha Guutada koowaad ee ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Col. C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay inaysan jirin khasaara ka soo gaaray ciidamada dowladda dagaalladii xalay dhacay, wuxuuna dagaalkaasi ku tilmaamay mid looga soo horjeedo nabadda Muqdisho ka jirta.

Si kasta ha ahaatee afhayeen u hadlay Al-qaacidada Soomaaliya ayaa isna sheegay inay dagaaladii xalay guulo ka gaareen, isagoo ku faanay Afhayeenkaasi inay dileen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah.

SomaliSwiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: