Mahiga oo qiyaasay in lagu guuleysanayo dhameystirka dastuurka Qaranka Soomaaliya.

Halkaan ka akhri

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Dajire Augustine Mahiga oo ka hadlay kulan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku yeesheen xaruntooda New York ayaa sheegay in Soomaaliya ay mudan tahay inay ka faa’iideysato.

Sidoo kale Mahiga wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay kaga bixi karto colaadaha 20-ka sanno jirsaday inay ka faa’iideystaan fursadda ay haystaan, wuxuuna sheegay inay taasi u baahan tahay dadaal dheeri ah, wuxuu kaloo Danjire Mahiga ka hadlay dastuurka dalka Soomaaliya loo sameynayo iyo doorashooyinka madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka inay dhibatada kaliya ee Soomaalida dhibaatada uga bixi karto.

Dhanka kale Mahiga wuxuu sheegay inay socoto qoraalka dastuurka Soomaaliya, loona saaray diyaarintiisa guddi ka kooaban 1,000 qof oo kuwaasoo isugu jira qaybaha bulshada oo ay haweenku ka mid yihiin, isagoo sheegay inuu rajaynaayo in lagu guuleysto dhameystirka dastuurka Soomaaliya.

SomaliSwiss       New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: