Ra’isul Wasaare xigeenka Turkiga iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho ka degay.

Halkaan ka akhri

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga ayaa soo gaaray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho si ay u fuliyaan mashruucyo ay horey u balan qaadeen inay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

Bekir Bozdağ oo ah Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa garoonka diyaaradaha waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo Xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda KMG ah iyo sidoo kale Ergayga gaarka ee ah Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustine Mahiga.

Garoonka diyaradaha ayaa lagu xardhay Calamada wadanka Turkiga, iyadoo sidoo kale Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ay si aad ah u adkeeyeen ammaanka Magaalada Muqdisho islamarkaana la xiray qaar ka mid ah wadooyinka ugu waa wayn ee Muqdisho gaar ahaan wada aada Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Wixii warar ka soo kordha kala soco SomaliSwiss.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: