Dowladda Seychelles oo ka codsatay dowlada Soomaaliya iyo maamuladu inay la dagaalaan Burcad badeeda.

Halkaan ka akhri

Dowladda Jasiirada Seychelles ayaa bilowday olole ay ugu gogol xaareyso sidii dowladaha caalamku ay uga gacansiin lahaayeen la dagaallanka iyo maxkamadeynta kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Madaxweynaha Seychelles James Michel oo wareysi siinayay wakalada wararka AP ayaa sheegay in dowaldiisu ay u maaroweysantahay ka hortaga kooxaha burcad badeeda Somalida oo si aada ugu soo badanaya xeebaha Jasiiradaasi sida madaxweynhu sheegay.

Sidoo kale Madaxweyne James Michel oo ka hadlayey arrintaa wuxuu yiri: “waxaan aad uga digayaa falalka burcad badeedu in haatan ay si weyn saameyn ugu yeesheen jasiiradeena, geesta kalena waxan arinkan doonaynaa inaan u sheegno beesha caalamku inaysan ka baaqsan doonin saameynta burcad badeeda”.

Madaxweynaha jasiiradda Seychelles James Michel ayaa u soo jeediyay dowlada Soomaaliya iyo maamulada Somaliland iyo Puntland in ay qeyb ka qaataan dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha burcad badeeda sida uu sheegay, waxaanu intaasi ku daray madaxweynaha Jasiirada Seechels in arinka ku saabsan maxkamdeynta burcad badeedu ay ku wanaagsantahay in laga dhigo gudaha wadanka Somaliya ama dalalka kale eek u jira ururka NATO.

Inta la ogsoon yahay waxaa ku xiran xabsiyada jasiiradda Seychelles in ka badan kontomeeyo burcad badeed Soomaaliya waxaana qaar kale ay ku jiraan xabsiyo ku yaala dalalka Spain, Faransiska Holland iyo Mareykanka, kuwaas oo sugaya in la soo taago maxkamad si loogu qaado dambiyo kala gadisan oo isagu jira dilal loo geystay lahaystayaal burcadbadeedu ay qafasheen iyo weeraro lagu afduubtay marakiibta iyo doonyaha maraya biyaha Caalamida ee badaha India iyo gacanka Cadmeed.

SomaliSwiss     Victoria

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: