Qramada Midoobay oo ansixiyey qodobadii ka soo baxay shirkii Soomaalida loogu qabta Caasimadda dalka Britain ee London.

Halkaan ka akhri

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ku yeesheen xaruntooda oo ku taala magaalada New York ee dalka Mareykanka waxayna ka wada hadleen, isla markaasna isku raaceen meel marinta qodobadii kasoo baxay shirkii dhawaan kusoo gaba gaboobay Magaalada London ee wadanka Ingiriiska, iyadoo dowladda Ingiriiska ay shaaca ka qaaday inaysan diyaar u aheyn in Ciidamadeeda ay ka howlgalaan Soomaaliya.

Kulanka golaha ammaanka ay sheegeen oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya iyo ansixinta qodobadii kasoo baxay shirkii kusoo idlaaday Magaalada London ayaa waxa shir gudoominayay Wasiirka arrimaha Afrika u qaabilsan dowladda Ingiriiska Henry Berihum.

War murtiyeed ka soo baxay Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa Warbaahinta u akhriyay wasiirka dowlada Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika Henry Berihum war-murtiyeedkaas wuxuu u qornaa sidaan:

1- Golaha ammaanka ee QM waxa uu taageerayaa dhamaan qodobadii kasoo baxay shrikii arimaha Soomaaliya looga hadlayay kana dhacay Magaalada London shirkaasi oo Golaha ammaanka uu ku sheegay in uu yahay mid wijiyo badan u furayo Soomaaliya oo dhibaato badan Soo heesatay.

2 -Golaha ammaanka shirkaasi waxa uu adkeenayaa in la hergiliyo dhamaan qodobadi ka soo baxay.

3- Golaha ammaanka waxa uu taageeri doonaan fulinta qorshahaasi hadii loo baahdo taageero lacageed ama mid siyaasad.

4- Golaha ammaanka wuxuu aqoonsan yahay dowlada KMG ah ee hada jirta oo waqtigeeda uu kama danbeesta yahay bisha agoosto ee fooda inagu soo heysa mana taageerayo waqti kordhin danbe xitaa hal bil.

5- Golaha ammaanka wuxuu taageeri doonaa waxii markaa ka danbeeya xukuumad sal balaaran leh oo ay ka qeyb galaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

6- Golaha ammaanka wuxuu tageersan yahay in si aad ah loo tixgaliyo Qaranimada Soomaaliya.

7- Golaha ammaanka ayaa wuxuu si wayn u taageeray soo guuridii xafiiska siyaasadad QM ee Soomaaliya uu usoo guuray magaalada Muqdisho.

8- Golaha ammaanka ayaa teegeeray heshiisyadii Garoowe, Nairobi, Muqdisho iyo London.
9- Golaha ammaanka wuxuu ka walaacsan yahay musuq maasuqa ka jira dalka, waxaana uu taageersan yahay aas-asida gudi arrintaasi si dhab ah wax uga qabto.

10- Golaha ammaanka ayaa sheegay in walaac la mid ah ay ka qabto, midka beesha Caalamka ay qabaan Al Shabaab.
11- Golaha ammaanka ayaa wuxuu balan qaaday in uu qeyb ka qaadan doono soo gabagabeynta dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya kana mid dhigayo sida dalalka kale ee Caalamka.

12- Sidoo kale Golaha amamanka ee Qaramada Midoobay wuxuu isku raacay in la kordhiyo tirada Ciidamada AMISOM ee iminka ku sugan Magaalada Muqdisho.

13- Ugu dambeyn Golaha ammaanka ayaa soo dhaweeyay Shirka Soomaaliya ee la filayo in uu ka dhaco dalka Turkiga kaasi oo looga hadlayo fulinta shirarkii Soomaaliya gaar ahan kii ka dhacay magaalada London.

SomaliSwiss     New York

SomqaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: