Ra’iisulwasaare ku xigeenka Turkiga oo berri ku imaanayo magaalada Muqdisho duulimaadka ugu horreeyey ee shirkadda diyaarada Turkish Airlines.

 Halkaan ka akhri

Mr. Bekir Bozdağ oo ah R/wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga ayaa sheegay inuu berri oo Talaadada ah uu booqasho ku imaan doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya asagoo la socda Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaarada Turkish Airlines, taasoo noqon doonto daah-furkii uga horreeyey duulimaadka shirkadda diyaarada Turkish Airlines ee Soomaaliya oo Talaadada bilaaban doona.

Sida ay sheegeen qaar la mid ah Warbaahinta dalka Turkiga in R/wasaare ku xigeenka Turkiga uu Soomaaliya u tegayo, si uu uga qeyb galo xaflada loo samaynayo duulimaadka ay shirkadda Turkish Airlines ka bilaabayso dalka Soomaaliya waxaana uu la kulmi doonaa madax ka tirsan hay’adda samafalka ee Turkiga ee Soomaaliya ka hawl gala magaalada Muqdisho iyo madax ka tirsan Dawladda KMG ee Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka wadanka Turkiga Mr. Bekir Bozdağ waxaa uu sheegay in uu kormeeri doono goobaha ay hawlaha samafalka ee Turkiga ka wadaan magaalada Muqdisho kadibna uu dib ugu laaban doono wadanka Turkiga.

Sidoo kale Shirkadda Turkish Airlines ayaa bilaabi doonta safarkii ugu horeysay ee duulimaadyadeeda caalamiga ah ay ku imaato dalka Soomaaliya, taasoo imaanayso in dad badan oo Soomaali ah ay aaminsan yihiin in dawladda Turkiga ay si dhab ah ugu soo gurmatay ummadda Soomaaliyeed ee mudada dheer ay ku jireen dagaallo Sokeeya.

Somaliswiss       Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: