Kooxda Al-Shabaab oo Ku Faantay Dilka Wariye Cali Axmed Cabdi oo xalay G/Kacyo lagu dilay.

Halkaan ka akhri

Kooxda Al-Shabaab ee Al-Qaacidada Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu faanay dilkii magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug xalay loogu geystay Wariye Cali Axmed Cabdi oo ka mid ahaa wariyeyaasha ka howlgala magaalada Gaalkacyo kaasi oo meydkiisa maanta lagu aasay isla magaaladaasi.

Idaacadda Andalus oo ku hadasha codka kooxdaasi ku biirtay Al-Qaacida ee Soomaaliya ayaa si jees jees leh horjoogayaal ka tirsan waxa ay ugu faaneen iney iyagu ka dambeeyeen dilkii xalay Gaalkacyo loogu geystay Allaha U Naxariistee Wariye Cali Axmed Cabdi.

“Inaga ayaa dilkiisa ka dambeeynay waana nasri waxa uu ahaa jaajuus la shaqeeya sirdoonka Puntland” sidaana waxaa yiri horjooge ka tirsan Al-Qaacidada Soomaaliya oo codkiisa caawa laga baahiyey idaacadda Andaluus oo isagu ku cel celiyey iney Alle uga mahad celinayaan.

Allaha U Naxariistee Cali Axmed Cabdi waxa uu ka mid ahaa wariyeyaasha ka howgalla deegaannada maamulka Puntland waxaana uu ka howgali jirey Radio Gaalkacyo isaga oo sidoo kalena wax ku qori jirey barta internetka ee Puntlandi.com waxaana dilkiisa cambaareeyey qeybaha kala duwan ee Saxaafadda.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya si jees jees leh ugu faanaan daadinta dhiigga Shacabka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed waxaana dad badan ay xusuustaan sidii naxariis darada laheyd ee ay horjoogayaasha kooxdaasi ugu faaneen dhacdooyinkii xanuunka lahaa ee 04-Octobar-2011 iyo dhacdadii 03-December-2009 ee Hotel Shaamoow.

Somaliswiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: