Hay’adaha Sirdoonka ee Mareykanka, Ingiriiska iyo Kenya oo dalal Somaliya ku jirto ka raadinaya Lacag Hayihii AlQaacida oo Kenya ka fakatay.

HOOS KA FIIRI SAWIRADA

Halkaan ka akhri

SAMANTHA Lewthwaite oo ah 28 jir u dhalatay dalka Ingiriiska ayay Baadi goobayaan hay‘adaha sirdoonka wadamada Mareykanka, Ingiriiska iyo sirdoonka Kenya.

Samantha Lewthwaite oo kasoo jeedda gobolka Buckinghamshire ee Scotland waxay xaaskiisa ahayd oo ay laba carruur ah u dhashay Jermaine Lindsay, oo isku qarxiyey tareenkii Piccadilly Line sanadkii 2005, taas oo ay ku dhinteen 26 qof iyo isagii, hase yeeshee waxay canug 3-aad dhashay sanadkii 2011 bilihii ugu horeeyay, waxaana lagu qiyaasay inay u dhashay nin kale oo labaadi goobayo, kaas oo sida la sheegay Alqaacida u haya howlo muhiima oo xagga qaraxya sameynta iyo Tiknoolojiga la xiriira.

Haweeneydaan oo dalka Ingiriiska laga waayey sanadkii hore ee 2011 ayay saraakiisha hay’adaha sirdoonku, hadda ka raadinayaan 4 waddan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waxaa la sheegay inay si lama filaan ah uga fakatay sirdoonka Kenya, ka dib markii ay tustay Baasaboor Koofur Afrikaan Feeg ahaa oo uu ku qoran yahay Magac qof kale, kaas oo ay ku gashay Kenya, Fiisana u saarnaa.

Hay’adaha sirdoonku waxay sheegeen in Haweeneydaan oo sidoo kale haysata 2 Baasaboor oo kale ay ahayd Qasnaajiga ama lacag hayaha Alqaacida, iyadoo la sheegay inay bixi jirtay dhammaan lacagaha ay u baahan yihiin inay howlo ku fuliyaan xarakada Al-shabaab iyo ururo kale oo ka tirsan Bahda alqaacida.

Warbixinada ayaa sheegaysa in gabadhaasi Guryo badan ka kireysatay meelaha ay degaan dadka dalxiiska ah ee magaalada Mombasa, waxaana sidoo kale la sheegay inay 3 guri ka iibsatay meelo ka mid ah dalka Soomaaliya oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayeen, iyadoo guryahaas dhamaan, kuwa la ijaaray ee Kenya iyo kuwa la iibiyaba ee Soomaaliya intaba lagu farsameynayay waxyaabaha wax lagu qarxiyo, sida ay xuseen hay’adaha daba galku.

Sirdoonka wadamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa la sheegay inay nabad sugidda Kenya la socodsiiyeen inay isha ku hayaan haweyneydaas, hase yeeshee waxay ka fakatay sirdoonka Kenya, ka dib markii nabad sugiddu meesha ay deganeyd Haeeneydaas meel aad uga fog ay ku xireen nin kale oo iyada lashaqeynayay, hase yeeshee aan lagu ogeyn inay xiriir leeyihiin, balse looga shakisnaa inuu Al-Shabaab la shaqeeynayay, Markii ay arrintaasi ogaateyna, way ka tagtay halkii ay deganayd, inkastoo booliiska Kenya sheegeen inay qabteen, hadana sii daayeen markii ay u sheegtay inaysan ahayn Ingiriis isla markaana la soo baxday dhalasha South Afrika ah oo dib laga ogaaday inay Falso ahayd, inkastoo wararka qaar sheegayaan inay Booliiska siisay lacag gacmahooda laabtay indhahoodana xirtay.

Dhaqaalaha ay gabadhaasi maamuleysay ee siineysay dadka u shaqeeya Al-Shabaab iyo Alqaacida, isla markaana loo adeegsanayay howlo kale  duwan oo isugu jiray Mushaaraadka amdaxda iyo saraakiisha sar sare ayaa la cadeeyay in lacagahaas qaarkood ay ahaayeen kuwa ka soo xeroonayay oo ay soo dirayeen shakhsiyaad burcad badeed ahaa, qaar kale ayaa ka imaanayay ilo ka tirsan shaqsiyaad kale oo Alqaacida maaliyadda u qaabilsan oo la aqoonsaday, halka qeybo kale oo lacagahaasi ah aan la xaqiijin sida ay gacanteeda ku soo gelayeen.

Wararka hay’adaha daba galku, waxay sheegeen inay gabadhaasi Kenya isla wada tageen isla markaana hadda wada fakadeen Habib Saleh Ghani oo lasheegay inuu ka mid ahaa koox fakatay oo la shaqeynaysay dad hore qaraxyo u fuliyey oo laraadinayay, hase yeeshee aan dib loo arag, iyadoo warbixintu sheegtay inuu dalka Kenya ku joogay Magac kale.

Gabadhaan oo Laba canug u dhashay ninkii hore isku qarxiyey ayaa bilowga sanadkii 2011, canug saddexaad ku dhashay dalka Ingiriiska intii aysan fakan, lama hubo inuu qabo ninka hadda ay wada fakadeen, isla markaana Kenya isla wada tageen, ayna ka soo wada jeedaan dalka Ingiriiska, hase yeeshee waxaa la sheegay inuu samayna qeybo kala duwan oo waxyaabaha qarxa ah u qaabilsanaa Alqaacida.

Warar laga xansaday Hay’adaha dabagalku waxay sheegeen in labadaasi qofood ee la wada raadinayo markii ugu dambeysay lagu arkay xuduudka ay wadaagaan Kenya iyo Tanzania, waxayna hay’adaha sirdoonka badankood qiyaaseen in Labadaasi qof meelaha ay u fakadeen ay noqon karaan 1: Somaliya oo ay Doon ama Qaab kale ku galaan iyo 2: Muzaambique oo ay uga gudbaan dhanka xuduudka Tanzania, iyadoo la xusay inay meelahaas lbaduba hore u soo mareen.

Arrinta ugu yaabka badan ee la xiriirta sheekada labadaan qof ayaa ah, in mid kastaahi haysto Baasabooro badan oo lagu sameeyay magacyo sax ah oo dad kale leeyihiin, taas oo markii la daba galay ay cadaatay inaysan dadkaasi la socon arrintaas, isla markaana haystaan Dukumintiyadoodii saxda ahaa.

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: