HOOS KA AKHRI XOGTA CUSUB
Halkaan ka akhri
CeelĀ Batroolkii laga qodayay deegaanada Puntland gaar ahaan dooxada Dharoor ee qodistiisa la bilaabay bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa xalay laga daba tegay dhoobo shidaal, iyadoo hadda la xaqiijiyay in gacanta lagu hayo cadeyman muujinaya in uu soo dhowyahay shidaalkii oo uu baqayo, isla markaana ay ka harsan tahay dhamaystirkiisa wax yar oo aan macno weyn lahayn, iyadoo rajo laga muujiyey in ceelkaas ay kuwada jiraanĀ Nafto iyo Baasiin labadaba.
SomaliSwiss oo ilaa iyo xalay oo arrintaasi soo if baxday aad u daba socotay meesha wax marayaan ayaa ogaatay in xaaladdu u muuqato mid meel wanaagsan mareysa, sida laga helay Qaar ka mid ah Injineerada shirkadda ajnabiga ah ee qodeysa ceelkaasi, kuwaas oo ku xog warramay in ay xalay ka daba tageen dhoobo shidaal oo muujineysa Nafto iyo Basiin inay soo dhow yihiin.
Madax ka tirsan Shirkadda Horn Petroleum oo iyadu ah midda qodeysa Ceelasha shidaalka ayaa sheegay in la qoday ilaa iyo hadda dhul dhererkiisu gaarayo 2,053 meter (labo kilometer iyo 53.m), iyagoo xusay in ay ka daba tageen Dhoobo shidaaleed muujineysa in uu soo dhow yihiin macdan ka kooban Shidaal iyo Baasiin aysan sheegin qiyaastooda.
Waxay ku xog warrameen Mas’uuliyiintaas shirkadda Horn Petroleum in ceelka dhererkiisa lagu qiyaasay intaan qodistu bilaaban in uu gaarayo 3,800 meter ama 3 kilometer iyo 800 meter, taas oo ay hadda ka harsan tahay Qiyaastii Hal Kilo Mitir iyo bar ama Wax ka yar, sida ay ku xog warrameen.
Dhinaca kale dadka ku dhaqan meelaha u dhow halka shidaalka laga qodayo, deegaanka Puntland gaar ahaan Dharoor ayaa SomaliSwiss u xaqiijiyey inuu soo neefsanayo Batroolkii oo ilaa iyo xalay laga dareemayo deegaanka urka shidaalka oo hawada deegaankaas aad u caburinaya.
Wixii warar ah ee arrintaasi ka soo kordha kala soco SomaliSwiss oo isha ku haysa, hadba wixii horumar laga gaaro shaqada ka socota halkaas iyo wararka la xiriira Batroolkaas oo aan idiin soo gudbin doonno isla marka ay soo kororto xog ku saabsan arrintaas.
SomaliSwiss Puntland
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Garoowe |
You must be logged in to post a comment.